berberatoday.com
USA: Xisbiga Trump Oo Lagala Wareegay Aqlabiyadda Aqalka Wakiillada, Ka Dib Doorashada Guud Ee Dalka Maraykanka
November 9, 2018 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Xisbiga dimuqraaddiga ee Dalka Mareykanka ayaa la wareegay aqlabiyadda aqalka wakiillada ee loogu tartamay doorashadii xilliga dhexe, taasoo dhabar jab ku noqonaysa Madaxweyne Donald Trump.

La wareegista maamulka aqalka hoose ee Koongareeska oo noqotay markii ugu horreysay muddo 8 sano ah waxay xisbiga Dimuqraaddiga u sahleysaa iney fashiliyaan qorsheyaasha Madaxweynaha. Hase-ahaatee xisbiga Mr Trump ayaa la filayaa iney xajistaan awoodda ay ku leeyihiin aqalka odayaasha ee Senete-ka.

Doorashadii dhacday Shalay oo Salaasa ahayd ayaa loo arkay mid afti u ah awoodda maamul ee Madaxweynaha, inkastoo aanu doorasho u taagneyn tan iyo sannadka 2020-ka.

Natiijada doorashada ayaa xaqiijisay guul taariikhi ah oo ay doorashada xilliga dhexe ka soo hooyeen xisbiga aan heynin maamulka Aqalka Cad.

Hoggaamiyaha aqalka ee xisbiga Dimuqraaddiga Nancy Pelosi, oo lagu wado iney noqoto afhayeen, xilkaasna heysay tan iyo sannadkii 2007-dii, ayaa iyadoo taageerayaasha kula damaashaadeysa magaalada Washington waxay tidhi “Waad mahadsantihiin, wuxuu waa cusub u baryayaa Mareykanka”.

Madaxweyne Trump ayaa doorashada diiradda ku saaray aqalka Senete-ka, wuxuuna isku amaanay dedaalka uu sameeyay.

Muxuu yahay tartanka ka socda aqalka hoose?

Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa ka faa’iideystay hadallada qallafsan ee uu Trump kaga soo horjeeday dadka soo galootiga ah, waxayna guul ka gaadheen doorashadii ugu horreysay ee ka dhacday guud ahaan dalka wixii ka dambeeyay marka uu Madaxweyne Trump xilka qabtay 2 sano ka hor.

Dimuqraaddigu waxay aqlabiyadda aqalka la wareegeen markii ay heleen wax ka badan 23-kii cod ee ay doonayeen si ay ula wareegaan maamulka aqalka hoose ee Koongareeska.

Shacabka Mareykanka ayaa u codeeyay dhammaan kuraasta aqalkaasi oo ay tiradooda gaadheyso 435.

Hadda waxay dimuqraaddigu billaabi karaan baadhitaanno ku aaddan sida uu maamulka Trump u maareeyo arrimaha ganacsiga, laga billaabo canshuur celinta ilaa danihiisa ka hor imaanaya howlaha ganacsi ee Qaranka.

Waxay sidoo kale awood dheeraad ah u heli karaan iney is hor taagaan qorsheyaashiisa dhinaca sharciga, oo uu ka mid yahay ballan qaadkiisa ku aaddan in darbi laga dhisi doono xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico.

Murashaxiinta haweenka ah ayaa guulo ka soo hooyay doorashadan oo loo aqoonsaday sannadkii dumarka.

Labo gabdhood oo ay da’doodu tahay 29 sano, oo lagu kala magacaabo Ocasio-Cortez iyo Abby Finkenauer, kana tirsan Dimuqraaddiga ayaa lagu wadaa iney noqdaan xildhibaannadii ugu da’da yaraa ee abid qeyb ka noqda mudaneyaasha aqalka.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga.

Maxaa ka socda tartanka Aqalka sare ee Senete-ka?

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku howlan sidii ay u xoojin lahaayeen aqlabiyaddooda aadka loogu dhow yahay ee ay aqalka sare ugu maamulaan 51-49, taasoo ka dhigan in Jamhuuriga ay horay u heysteen kuraas dhan 51, halka Dimuqraaddiguna ay haysteen 49 kursi.

Haddii ay xaqiijiyaan iney aqalkaas la wareegaan waxaa Madaxweyne Trump u suurto galaysa inuu aqlabiyad ku hirgaliyo amarradiisa iyo soo xulashadiisa mas’uuliyiinta dhinaca caddaaladda.

Xisbiga Dimuqraaddiga ayay sannadkan ku adkeyd iney guul la taaban karo ka soo hooyaan tartanka aqalka sare maaddaama ay difaacanayeen 26 kursi, halka xisbiga jamhuuriguna ay difaacanayeen 9 kursi oo kaliya.

Ilhaan Cumar

Guulaha ugu waaweyn ee xisbiga Jamhuuriga waxay ka yimaaddeen gobollada Indiana, Missouri iyo North Dakota, halkaasoo ay xilalka uga fara maroojisteen siyaasiyiintii ka soo jeedday Dimuqraaddiga.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews