Madaxda Itoobiya, Eritrea Iyo Soomaaliya Oo Ku Shiraya Dalka Itoobiya
November 9, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Saddexda masuul ee kala hoggaamiya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa kulan ku leh magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, si ay u sii anba qaadaan wadahadalladii is dhexgalka dhaqaalaha gobolka.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay qayb ka tahay isbadallada dabaysha nabadeed ka dhaliyay geeska Afrika.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha ee Atse Tewodros Airport ee magaalada Gonder ku soo dhaweeyay maanta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki.