Cabdi Maxamuud Cumar Ina Ilay Oo Berri Maxkamad Markale La Hor Gaynayo
November 9, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Iyadoo maanta ay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa wararku waxay sheegayaan in isla maanta ay la amray in berrito maxkamad la hor geeyo.
Wararkan ku saabsan in berri oo Jimce ah maxkamad la geyn doono Cabdi Maxamuud waxaa BBC u xaqiijiyey ilo madax banaan iyo kuwo ku dhowdhow kooxda difaacaysa.
Ma cadda sababta isbeddelkan degdegta ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii goor ee hore.