Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Qaraxyadii Muqdisho Ka Dhacay Galabta
November 9, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho saacado ka hor ayaa waxa tirada dadka ku dhintay ay gaadhaysaa ugu yaraan labaatan qof, sidaana waxa BBC-da u xaqiijiyey dad goob joog ahaa.
Dhanka kale, Ambalaaska Aamin ayaa iyaguna waxay sheegeen in ay 45 qof oo dhaawac ah geeyeen Cisbitaallada magaalada.
