Xildhibaan Cali Aareye Oo Sheegay In Aanay Goballada Galbeedku Doorashada Galayn Ilaa Saami Qaybsiga La Saxo
November 7, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku taliyey in la tixgeliyo go’aankii Maxkamadda sare ee 2005, ee ahaa in Doorashada Wakiillada ee dambe in lagu galo saami qaybsi iyo in tirikoob la sameeyo.