Ciidamo Itoobiyaan Ah oo Wata Gaadiidka Dagaalka oo Gaadhay Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool
November 7, 2018 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaadheen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sool.
Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanka Dhumay ay ku dagaalameen Beelo halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi.
Warar ay helayso Shabakada Wajaalenews ayaa tibaaxaya in ciidamada Itoobiya uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafti ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka kusoo noqnoqday deegaankaasi ee u dhexeeya labada beelood.