Hooyo Xanuun Khatar Ah La Ildaran Oo Dalbatay Inay Wiilkeeda Aragto Ka Hor Dhimashadeeda
November 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Haweeney u dhalatay dalka Ciraaq oo qabta cudurka Kansarka ayaa lagu wadaa in loo duuliyo dalkeeda Ciraaq si ay halkaasi ugula kulanto wiilkeeda oo 8 jir ah.
Arij Altai, oo 38 jir ah ayaa waxaa loo uruuriyay lacag dhan £60,000 si loogu kireeyo diyaarad gaar ah oo u qaaday dalka Ciraaq. Arij ayaa timid Southampton shan sano ka hor si ay jaamacdda Southampton uga diyaariso shahaada PhD ee luuqadda iyo suuganta.
Ka dib markii laga helay cudurka Kansarka ee dilaaga ah ayay iska joogtay dalka Britain markaasi oo seygeeda iyo wiilkeeda yar ay dib ugu laabteen Ciraaq bishii September.