berberatoday.com
Wakiilka Qaramada Midoobey Oo Madaxweynaha Maamulka Puntland Kala Hadlay Colaadda Tukaraq Iyo Xidhiidhka Dawladda Federaalka
November 4, 2018 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya, Nicholas Haysom oo ay waheliyaan saraakiil kale oo soo gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Garoowe Cabdiwali Gaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray colaadda deegaanka Tukaraq oo tan iyo bishii Jeanery ay isku hor-fadhiyeen ciidammo ka tirsan Somaliland iyo Soomaaliya inta waxaa dheer oo kulanka lagu soo qaaday xidhiidhkii wadatashaqeynta dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada sidii dib loogu hagaajin lahaa, kaas oo hakad galay bishii September.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Nicholas Haysom  ayaa sidoo kale la wadaagay madaxweynaha maamulka Garoowe baahida loo qabo in doorashada guud ee Puntland ka dhacaysa bisha  Jeanery ee sanadka 2019-ka inay u dhacdo si xor ,xalaal iyo nabad ah.

Booqashada uu wakiilka Qaramada Midoobay ku soo gaadhay Garoowe ayaa qayb ka ah kulamo uu xarumaha dowlad-gobolleedyada kula qaadanayay hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada Soomaaliya, si xal loogu helo khilaafka halkii ugu sarreeyay gaadhay ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews