berberatoday.com
Dawlada Ingiriiska Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqdey Dariiqa Kaliya Ee Ay Somaliland Ku Heli Karto Ictiraaf
November 4, 2018 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Dowladda Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay si waadax ah uga hadashay habka ay Somaliland Beesha Caalamka uga helo karto Ictiraaf.

 

Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u sheegtay in Ictiraafka Somaliland uu ku xidhan yahay inay ku heshiiyaan iyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wargeyska Financial Times (FT) ee ka soo baxa London waxa uu bilowgii isbuucan Warbixin dheer ka qoray dadaalka Ictiraaf-raadiska Somaliland iyo Aragtida Dowladda Britain ee Yoolka lagu gaadhi karo Ictiraafkaasi.

Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee UK oo la hadashay Wargeyska FT waxay sheegtay inay Dowladda Britain rumeysan tahay inay u taallo DFS iyo Soomaaliland si ay u gaadhaan Mustaqbal Wadajir ah iyo inay dalalka Gobalka iyo Jilayaasha dalalkaasi kaalin hoggaamin ka qaataan Natiijada Heshiiska ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Sida uu Wargeyska FT u sheegay Khabiir Axmer Sulaymaan oo ka tirsan Aqalka Chantam House ee London arrintaan ayaa waxaa isku raacsan dhammaan Dowladaha Reer Galbeedka.

Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Dalalka Gobalka uma muuqdaan inay qaadi doonaan tallaabada u dambaysa ee Ictiraafka S/Land  ilaa uu wada-xaajoodka DFS iyo SL ka gaadhaan heshiis Mustaqbal Wadajir ah.

Wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Somaliland ayaa istaagtay tan iyo markii uu dalka Madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sabab u ah inuu wadahadalka istaago go’aanka ay dowladda ka qaadatay maalgashiga Dekadda Berbera.

Somaliland ayaana si cad u sheegtay inaysan Dowladda Federaalka la fadhiisan doonin inta ay faragelinta ka deeneyso dowladda Dhexe sida ay hadalka u dhigeen.

Dhawr jeer ayaa waxaa fashilmay wadahadal la doonayey inay labada dhinac yeeshaan, haddana ma jirto ififaalo muujinayo in la wada fadhiisan doono

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews