berberatoday.com
Dabley Weerartay Xabsi Uu Ku Xidhnaa Nabad-doon Caan Ka Ah Puntland
November 3, 2018 - Written by Berbera Today

Boosaaso(Aftahannews)–  Rag hubaysan, ayaa weerarray Xabsiga Minjir ee magaalada Boosaaso, halkaas oo Ciidanka amniga Puntland gelinkii hore ee maanta ay ku xidheen Nabad-doon caan ka ah deegaannada Puntland.

Dableyda weerartay xabsiga ayaa la sheegay si xoog ah inay bannaanka uga soo saareen xabsiga Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago)  oo laga xidhay kantoroolka Boosaaso.

Wararka ayaa inta ku daraya nabadoonku inuu xabsiga iskiisa ugu laabtay, sidoo kallena noloshiisa ayaa halis gashay rasaas la furay.

Xaaladda xabsiga Minjir ayaa hadda deggan ,waxaana gacanta ku haya ciidanka ilaalada xabsiga ee Puntland,mase jirto wax hadal ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka Puntland oo looga hadlay weerarka xabsiga

Maamulka ma aanu sheegin sababta loo xidhey Nabadoon Cabduqaadir Xarago,balse warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay xadhiga Nabadoonka inay la xidhiidho shir jaraa’id oo u ka soo muuqday dhawaan kaas oo nabadoonno iyo waxgarad gobolka ka soo jeedda ay uga soo horjeesteen qodobbadii ka soo baxay shirkii madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee Garoowe lagu soo gabagabeeyay.

Nabadoon Cabduqaadir Xarago, oo ah afhayeenka nabadoonnada gobolka Bari ayaa sidoo kale ka mid ah dadka aadka u dhaliila xukuumadda maamulka Puntland ee u hoggaamiyo Cabdiwali Gaas, dhowr mar oo hore ayaa lagu xidhay magaalada Boosaaso.

 Source: Hiiraan Online

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews