Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Khamiislaha Ahaa
November 2, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kal-fadhigii 24-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/11/2018, waxa lagu lafo-guray hannaanka wada-shaqayneed ee hay’adaha qaramada midoobay (UN), kuwa caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu goluhu warbixinta amniga ka dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.
Goluhu waxay dood-dheer ka yeesheen wada shaqaynta hay’adaha UN-ta, iyo kuwa caalamiga ah, ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay isla qaateen in dib u eegis iyo qiimayn buuxda lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay hay’adahaasi uga hawl-galaan dalka Somaliland, iyadoo loo marayo sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.