berberatoday.com
Dawladda Sucuudiga Oo Ku Qancisay Dawladda Soomaaliya Inay Joojiso Mucaaradada Ay Ku Hayso Maalgashiga Dp World Ee Dekedda Berbera
October 28, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Sucuudiga, ayaa la sheegay inay ku qancisay dawladda Soomaaliya inay joojiso dagaalka mucaaradeed ee ay kaga soo horjeedo mashruuca horumarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ee DP
world.

Wargeyska The Indian Ocean, ayaa cadadkiisii shalay qoray in Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo safar ku tagay dalka Sucuudiga maalmihii la dhagax dhigayay balaadhinta dekedda Berbera, uu
boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, maalin ka hor xafladii dekedda lagu balaadhinayay  u bandhigay sida adag ee ay dawladiisu uga soo horjeedo maalgashiga DP world ee dekedda Berbera.
Laakiin boqorka Sucuudiga ayaa aakhirkii raysalwasaare Khayre ku qanciyay inuu joojiyo mucaaradada uu ku hayo maalgashiga DP world ee Berbera, “Iyadoo lagu bedelanayo caawimo dhaqaale oo lagu caawinayo
dawladda Soomaaliya si ay u bixiso mushahaharka askarteeda iyo saraakiisha Booliska, wuxuu boqorka Sucuudigu u sheegay Xasan Cali Khayre inaanu farogelin maalgashiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland
ee balaadhinta dekedda Berbera.” Ayuu ku  yidhi Wargeyska The Indian Ocean warbixinta uu shalay qoray waxaanu intaas raaciyay, “Muqdisho, markaas way joojisay inay ku qayliso saxeexii 12 Oktoobar ee qandaraaska $ 101 milyan dollar ee  dhex maray  shirkadda Imaaraatiga ah ee ee Shafa Al Nahdah iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee
ku saabsanaa wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera.” Ayuu
yidhi wargeysku.

Ma jiro war madaxbanaan oo xaqiijinaya warbixintan uu shalay baahiyay wargeyska The Indian Ocean, laakiin raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa ka soo laabtay socdaalkaas uu ku tagay dalka Sucuudiga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews