berberatoday.com
Somaliland Oo Hirgelisay Nidaam Caalami Ah Oo Adeegga Shirkadaha Isgaadhsiinta Lagu Hagayo
October 24, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Maxamuud Sh. Suufi, ayaa ka warbixiyey waxqabadka Wasaaraddiisa iyo Adeegyo cusub oo ay soo kordhiyeen muddada uu xilka hayey, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid yihiin adeegyo lagula xisaabtami doono Shirkadaha Isgaadhsiinta oo looga faa’iidaysan doono dhica Cashuuraha ku waajibay iyo weliba Xogta tagtada ah ee ay dawladdu uga baahato.

ISGAADHSIINTA SOMALILAND OO QALAB LAGU KAANTARROOLO XUKUUMADDU KEENTAY.png

ISGAADHSIINTA SOMALILAND OO QALAB LAGU KAANTARROOLO XUKUUMADDU KEENTAY.png

WASIIRKA ISGAADHSIINTA SOMALILAND CABDIWELI SHEEKH CABDILLAAHI SUUFI

WASIIRKA ISGAADHSIINTA SOMALILAND CABDIWELI SHEEKH CABDILLAAHI SUUFI

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiir Cabdiweli Sheekh, waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu Salaasadii Maanta ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inay ku hawlan yihiin Xeer-nidaamiyeyaasha uu waajibinayo Sharciga isgaadhsiinat Somaliland ee Xeer lambar 15 oo ay Golayaasha Baarlamaanku hore u ansixiyeen, si buu yidhi; loogu maamulo si muuqata Shirkadaha isgaadhsiinta. Isla markaana, ay Wasaaradda oo Xukuumadda ka wakiil ahi ugala shaqayso Shirkadaha Isgaadhsiinta horumarintooda iyo tayeynta adeegyada ay Bulshada u hayaan.

“Dhinaca Boosaha oo kale waxaannu diyaarinnay qawaaniintii ay ku shaqayn lahayd Boostu oo ah adeeg muddo ka maqnaa bulshada, badankooduna immika waa noo diyaar. Dhinaca Tignoolajiyadda Wasaaraddu waxay samaysay qiimayn ay ku samaysay Laamaha dawladda iyadoo la kaashatay Jaamacadda Hargeysa, maalin dhawna waannu soo bandhigi doonnaa waxyaabaha ka soo baxay Cilmi-baadhistaas. Sidoo kale, waxaannu qiimaynay Tignoolaji lacag badani ku baxday oo hore u yaallay oo  hay’adaha dawladda iyo mid waliba siduu u shaqeeyo iyo faa’iidada uu leeyahay. Dhinaca isgaadhsiinta waxa jira Xeer la yidhaahdo Xeer lambar 15 oo aasaas u ah adeegga isgaadhsiineed ee waddanka, laakiin waxa ka maqan Xeer-nidaamiyeyaashii laga eeganayey siyaasadaha iyo hal-beegyada lagu maamuli lahaa iyo sidoo kale hagayaashii ay adeegsan lahaayeen Shirkaduhu, markaa hawlahaa dhammaystirkooda gacantaannu ku haynaa way dhawdahay.”

“Maaddaama oo in badan la lahaa dawladdu Tignoolajiga way ka dambaysaa Shirkadaha Isgaadhsiinta ee gaarka ah, iyadana waxaannu ku dedaalnay oo aannu soo gaadhsiinnay heer ay Wasaaraddu kormeeri karto Shirkadaha. Markaa, iyadana dhinac baannu ka galnay oo waxaannu gacanta ku haynaa saddex hab, ka koobaad waxa weeye hab noo oggolaanyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Xogtooda inaannu helno oo Tagto ah (Passive), kaas oo ah mid marka uu dhaco hawlgal isgaadhsiineed ka dib labaatan minid, soddon illaa saacad ka dib aan ogaan karno. Waxaannu nidaamkan u qaadannay inaannu ogaanno caddadka taleefannada maraya shirkadaha is-gaadhsiinta, Farriimaha iyo Dhaatada Dadku isticmaalayaan ama Mobile hallagu shubto ama hallagu helo Faybar iyo inaannu ogaanno Lacagta dhex-maraysa Shirkadaha markay dhacaan ka dib inaannu ogaanno xaddigooda iyo inaannu sidoo kale ogaanno Shirkaduhu maxay faa’iidaan, maxaa xaq loogu leeyahay Cashuur. Waayo? Marka Gaadhi waddada maraya la cashuurayo, waa wax cad oo la ogyahay, Ganacsiguna waa sidaa soo kale, balse Shirkadaha is-gaadhsiinta waxa loo baahan yahay in la nidaamiyo, si Qaranku u helo Cashuurta uu xaqa ugu yeelan karo, markaa haddaan xog lahayn waxba lama nidaamin karo.”

Wasiirku waxa uu sheegay in cabasho dhinaca Macaamiisha Shirkadaha kaga soo noqoto Wasaarad ahaan oo ay Bulshadu u soo gudbiso, taas oo uu tilmaamay inaanay Wasaaraddu hadda ka hor waxba ka qaban kari jirin, balse ay hadda awood u leedahay inay ogaadaan Wasaarad ahaan Cabashada Taleefanka iyo Internet-ka shirkadaha ka cabanaya inay si fudud u ogaadaan cilladaha jira dhinaca ay yihiin ama ka yimaaddeen, waxa sababa marka Taleefanku isagoo lagu hadlayo go’ iyo weliba tayada adeegyada kala duwan ee ay Shirkadaha Isgaadhsiintu bixiyaan. “Celcelinta Xuquuqda Muwaaddiniintu waxay u baahantay in la ogaado xogta taalla shirkadaha Isgaadhsiinta, taasoo keenaysa in la helo go’aan wax lagu qaadan karo, sababaha kale waxa weeye inaannu horumarinno suuqa isgaadhsiinta, waayo haddaan xog la helin lama ogaan karo meesha horumarinta iyo waxka qabashada u baahan. Markaa, qalabkan Baasifku waxyaabahaas ayuu naga caawinayaa.”

Sidoo kale, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi waxa uu sheegay inay la socon doonaan Ateenooyinka iyo Taawarrada Shirkaduhu saamaynta ay Bulshada ku leeyihiin iyo inay heerka caalamiga ah tayo ahaan isticmaalaan, waxaanu yidhi; “Waxa kale ee aannu ka shaqaynaynay waxa weeyaan qalab la yidhaahdo EMF oo ah Qalab lagu qiyaasayo Anteenooyinka iyo Taawarrada ay Shirkadaha Isgaadhsiintu leeyihiin, awoodda hal-beegga ama qaabka caalamiga ah ee loo dhigo ateenooyinka Shirkadahani ma yihiin kuwo buuxinaya nidaamka caalamka mise waxbaa ka dhiman? Iyada oo ay Qalabka Ateenooyinka ama Taawarrada Bulshadu aad uga soo cabato, markaa qalabkaasna taas buu naga caawinayaa. Qodobka Saddexaad waxa weeyaan, Hirarka.”

“Shirkadaha isgaadhsiintu waxay isticmaalaan Hirarka oo ah Khayraad la wada leeyahay oo ay tahay in Kiro laga qaado cid kasta oo isticmaalaysa. Keliya Shirkadaha isgaadhsiintu ma adeegsadaane waxa iyaguna isticmaala TV-yada iyo Cid kasta oo isticmaalaysa adeeg Waayir la’aan ah, kuwaas oo aan waxba laga qaadin. Adeeggan Baasifku waxa uu naga caawiniayaa in kor loo qaado adeegyadaas, dhaqaalaha waddankana loo horumariyo. Intii aannu hawsha ku jirnay Shirkadaha isgaadhsiinta waannu kulannay, waxaanay ballan-qaadeen inay nala shaqeeyaan, wixii dhinacooda ku xidhanna soo dhaweeyaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi, waxaanu intaa ku daray in ay Safarro kala duwan oo ay dibedda ugu baxeen Masuuliyiinta Wasaaraddu iyo Shirar ay dalalka dibedda kaga qaybgaleen, xog-ururin muhiim ah ka soo faa’iideen, kuwaas oo ay intii Somaliland anfici kartay ka qaateen oo ay hawlahan shaqo ee Wasaaradda ku dabbiqi doonaan.

Markii uu dhammeeyey Wasiirku hadalkiisa, waxaa la weydiiyey dhawr su’aalood oo kala duwan, waxaana la weydiiyey in nidaamkani dhaawaci karo ilaalinta Xogta Muwaaddiniinta, hase-yeeshee waxa uu ku dooday inaanay jirin wax ay iyagu si gaar ah u dhegaysanayaan ee ay dhinaca Dakhliga iyo Tayada ka eegayaan adeegyada Shirkadaha, halka wixii dabaggal iyo dhegaysi ah aanay iyaga hawshooda ahayn ee ay Hay’adaha Ammaanka u qaabbilsan dawladdu masuul ka yihiin, Sharcina loo maro oo aan sharci la’aan cidna la iska baadhi karin xogtooda. Inkasta oo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro Xukuumadda ku eedeeyey inay keensatay Shirkad lacag badani ku baxday oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqa Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, haddana Wasiirka oo Su’aal laga weydiiyey eedayntaasi, waxa uu ku dooday inaan eedayntaasi jirin, isla markaana Shirkad gaar ah oo ay keensatay Dawladdu jirin, balse Qalbka casriga ah ee horumarinta adeegyada Isgaadhsiintu yahay mid aan waxba u dhimayn cidna, isla markaana aanu ahayn Qalabkani kuwo loogu talo-galay in cid gaar ah dhaqdhaqaaqooda lagula socdo ee uu yahay nidaam Cashuurta iyo Tayada xoogga lagu saarayo.

Mar Wasiirka Isgaadhsiinta wax laga weydiiyey Cabashooyin caafimaad-darro la xidhiidha oo Bulshada Somaliland ka muujiyaan Taawarrada Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo waxa uga qorshaysan inay ka qabtaan, waxa uu sheegay inay qorshaha ugu jirto inay kaantarroolaan Qalabka ay Shirkaduhu keensanayaan tayadiisa iyo inuu yahay in mid caafimaadka wax u dhimaya, adeegga lagu hubinayana ay haystaan hadda, isla markaana ay Xeer ku caddayn doonaan qaabka loo maamulayo goobaha laga taagayo, nooca qalabka la adeegsan karo iyo hadba inta baahi loo qabo intaanay shirkaduhu keensanba wax qalab ah oo aanay iska taagin, nidaamkaasna ay Wasaaraddu hirgelinayso si Caafimaadka Bulshada loo dhawro, adeegga ay Shirkaduhu bixiyaanna u noqon lahaa mid tayo ahaan iyo aqoon ahaanba Qalabka caalamka laga adeegsado la jaan-qaadaya.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews