Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso Koonfurta Gobolka Sool iyo Amaro Culus oo Uu Faray Maamulka Gobolka iyo Hay”addaha Amniga
October 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay koonfurta gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Dhumay.
Dagaalka dhumay ee wakhtigani maaha mid la aqbali karo, mana aha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladdaas, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelahaas walaalaha ah.