berberatoday.com
Qirashada Sucuudiga Ee Dilka Suxufi Jamaal Khashoggi, Hanjabaadda Turkiga, Wararkii Udambeeyey Iyo Taariikhda Marxuumka La Khaarajiyay
October 21, 2018 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Dawladda Turkiga, ayaa balan-qaadday inay soo bandhigi doonto faafaahinta ku saabsan dilka Suxufiga Sucuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi, ka dib markii Sacuudiga markii u horreeysay qirtay in Jamal lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacudigu ku leeyhay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga labadii bishan.

JAMAL KHASHOGGI

JAMAL KHASHOGGI

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warbixin aannu ka soo xigannay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du ay maanta ka diyaarisay Taariikhdii Allaah ha u naxariistee Suxufigaas, ayaa lagaga warramay sida wax u dhaceen iyo dhaqdhaqaaqyada u dambeeyey ee Sucuudiga iyo Turkiga.

Sacuudiga, ayaa maalintii jimacaha ahayd sheegtay in Mr Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda. Saraakisha Turkiga ayaa markii hore sheegay in si kas ah gudaha qunsuliyadda loogu dilay kadibna meydkiisa la jarjaray.

Bilowgii Toddobaadkaan ayaa saraakil Turki ah oo aan magacooda la shaacin ayaa warbaahinta u sheegay in ay hayaan codad iyo muuqaallo muujinaya dilka weriye Jamal Khashoggi. Boqortooyada Sacuudi ayaa waxa ay wajahaysay cadaadis aad u xooggan tan iyo intii la waayay Mr Khashoggi. Balse ugu damabeyntii waa ay qirteen in weriye Jamal Khashoggi.

Muxuu yidgi Turkiga?

“Turkiga waxa ay soo bandhigi doonaan wax kastoo dhacay,” ayuu yiri Omer Celik sida ay sheegtay Anadolu wakaaladda wararka ee Anadolu. “Cidna ma dacweyneyno balse ma ogolaanayno in ay jiraan wax damboo la qariyo oo waan shaacinaynaa.” Turkiga ayaa haatan joojiyay eedeyntii uu Sacuudiga u soo jeedinayay ee dilka Khashoggi.

Maxay sheegeen saraakiisha Sucuudiga?

Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee dowladda Sucuudiga ayaa lagu sheegay in dagaal uu qunsuyliyadda ku dhexmaray weriye Jamaal Kaashogji iyo dad halkaasi ay ku kulmeen ay dhalisay dhimashadiisa. Baaritaano ayaa hadda socdaa, bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 18 qof oo Sucuudiga u dhashay xabsiga la dhigay.

Ragga shaqada laga ceeyriyay;

TWITTER KA QAXDAANI OO AY KU XIDHAN YIHIIN MALAAYIIN QOF

TWITTER KA QAXDAANI OO AY KU XIDHAN YIHIIN MALAAYIIN QOF

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Janaraal Axmed Al Casiiri : Afhayeen sare oo boqortoyada u qaabilsanaa dagaalka Yemen. Janaraal Casiiri wuxuu 2017-kii BBC-da siiyay wareysi ku saabsan dagaalka yemen isaga oo difaacayay tallaabooyiinka Sucuudiga ee Yemen. Sacuud Al-Qaxddaani waa la taliyaha boqortooyada ahna la taliyaha gaarka ah ee dhaxal sugaha Maxamed bin Salmaan.

Taarikh nololeedka Jamaal Kashgooji;

Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Kaashogji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay.

Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Kaashogji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga. Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada.

Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof.

Berigii uu Afghanistan tagay;

Ninkan 59 jirka ahi wuxu xirfadiisa weriyenimo ka bilaabay Sucuudiga sannadkii 1985-kii markuu jaamacad Maraykanka ku taal ka qalin jabiyey. Intii uu ka shaqaynayey wargeyska Al-Madina sanadihii sagaashameeyadii, wuxu aad waxa uga qoray mitidiintii Islaamiyiinta ahaa ee Afghanistan u tagey si ay halkaa ugula dagaalamaan Soviet-kii ku duulay.

USAMA BIN LADIN OO UU JAMAAL KHASHOGGI WARAYSIGII U HORREEYEY KA QAADAY

USAMA BIN LADIN OO UU JAMAAL KHASHOGGI WARAYSIGII U HORREEYEY KA QAADAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wuxuu dhawr waraysi la yeeshay Usaama Bin Laadin oo uu sheegay in uu dhalinyaranimadiisii ku yaqaanay Sucuudiga. Berigaa Bin Laadin aad uma soo shaac bixin oo Galbeedka lagama aqoon inuu yahay hogaamiyaha Al-Qaacida.

Kaashogji wuxu ugu tagay godadka buuraha Tora Bora, waxa kale oo uu ku waraystay Sudan sanadkii 1995-kii. Sannadkii 2011-kii oo muddo ka soo wareegtay markii uu Usaama waraystay, ayaa Khaashoqji laftiisa uu wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel ka waraystay xidhiidhkii isaga iyo Usaama Bin Laadin la haayeen.

Kaashogji waxa uu waagaa qirtay in uu markii hore Bin Laadin la qabay in sifo aan dimuqraadi ahayn lagu dhex galo hannaanka siyaasadeed ama xeelado colaadeed la adeegsado si dunida Carbeed looga xoreeyo xukuumadaha musuqa ah.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews