berberatoday.com
Masaajid Ku Yaalla Turkiga Oo Jiho Khaldan Loogu Tukanayay 40 Sano
October 20, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sida ay qoreen warbaahinta maxalliga ah, masaajid ku yaalla dalka Turkiga ayaa jiho khaldan ugu tukanayeen jamaacadiisu muddo ku dhow 40-sano, khaladka dhismaha masjidka waxaa dareemay imaam masaajidka ku cusub oo dhawaan la wareegay xilkiisa.

Masaajidkan ayaa ku yaalla Sugoren ee gobolka Yalova ee galbeedka Turkiga, imaamku waxa uu tilmaamay in si khaldan loo dhisay mixraabka masaajidka, arrintaas oo ka dhigan in dadkii ku tukanayay ay muddo dheer kacbada ka leexsanaayeen xagal 33 darajo ah, waa sida ay qortay jariidada Daily Sabah ee dalka Turkiga ka soo baxda.

Jariidada kale ee Hurriyet la yiraahdo oo soo xiganeysa wakaaladda wararka ee Demiroren News Agency, ayaa sheegtay in imaanka cusub ee masaajidka oo la yiraahdo Isa Kaya in sanadkii hore un loosoo magacaabay masaajidka inuu imaam ka noqdo, markaa waxaa imaamka u soo baxday iney khaldan tahay halka laga dhisay mixraabka masjidka, arrintaas oo imaamka khasab uga dhigtay inuu raadiyo culumo kale si uu ugala tashado xaaladda masaajidka.

Markii dambe waxaa la isla meeldhigay oo la wada qirtay in masaajidka mixraabkiisa meel khaldan laga dhisay sanadkii 1981, waa sida ay warbixinnada ku sheegeen warbaahinta Turkiga.

Intii islamarkiiba mixraabka la dumin lahaa, ayaa si ku-meel gaar ah loo sameeyay calaamado dadka Qiblada saxda ah ku hagaya oo lagu muujiyay rooggii masaajidka.

Imaamkan ayaa wakaaladda Demiroren u sheegay: “Xaaladda dadka waan u sharraxnay, badankood falcelintoodu wey wanaagsaneyd.”, engineer dhismo ayaa loo xilsaaray inuu masaajidka mixraab cusub u sameeyo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews