berberatoday.com
Cabdi Iley Oo Isku-dayey Inuu Ka Baxsado Xabsiga Iyo Qareenkiisa Oo Ka Hadlay
October 20, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda gacanta ku heysa kiiska Madaxweynihii hore ee dowlad-deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), ayaa lagu wargaliyay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsiggii lagu hayay.

Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta ka muddeysnaa Maxkamadda sare ee Fedeeraalka Itoobiya oo maxkamadda la horkeenay ayaa waxay Boolisku sheegeen iyada oo amnigiisa iyo caafimaadkiisa loogu daneynayo in Cabdi lagu xidhay xabsi ku dhex yaalla xarunta booliska.

 

CABDI-ILEY OO KA HADLAY SIDA XABSIGA LOOGULA DHAQMO

Balse waxaa la sheegay in uu jabiyay muraayadda daaqadda qolka uu ku jiray wuxuuna cunaha ku dhagay mid ka mid ah Askarta ilaalada uga jirtay qolka uu ku xidhnaa isaga oo tallaabadaasi uu qaaday uga dan lahaa inuu xabsiga sidaa uu kaga baxsado.

Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen mar ay maxkamadda wax ka weydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay “Falkaa muu samaynayn ee waa eed  falkaasi sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla markaana lagu doonayo in jidh-dilkiisa lagu banneysto”.

Horay qoyska Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu eedeeyay ciidamada gacanta ku haya amniggiisa in ay kula kacaan jirdi xoog leh, has-e ahaatee taliska ciidamada Booliiska Itoobiya warkaa waa ay beeniyeen.

Maxkamada ayaa siisay laamaha amniga 10 cisho oo dheeraad ah oo baadhitaan lagu sameeyo eedeymaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar ee ah in uu isku dayay in uu baxsado in in uu rabshado abuuray.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews