Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay Inuu Dil Ka Bedbaaday
October 19, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay inuu ka badbaaday qorshe la doonayey in lagu khaarajiyo.
Abiy, ayaa u sheegay Baarlamaanka Itoobiya in ciidamaddii dhawaan galay agagaarka xafiikiisa inay qorsheynayeen inay dilaan isaga, wuxuuna inta ku daray inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo faraxsan oo dhoola caddeynayay maalinkaasi, balse uu gudaha ka gubanayay oo uu wer-werayey.
