berberatoday.com
Akhri : Qodobada Heshiiska Somaliland Iyo Khaatumo Hargeysa Ku Kala Saxeexdeen
June 18, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha dibadda JSL Mudane Sacad Cali Shire, ayaa ku dhawaaqay heshiis masiiri ah oo ka kooban shan qodob oo ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo, kaasi oo lagu soo afjarayo wadahadaladii muddada usoo socday labada dhinac.

heshiis somaliland iyo khaatumoKulan ballaadhan oo ay labada dhinac isugu yimaadeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, islamarkaana ay goob joog ka ahaa Hoggaamiyihii  Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo masuuliyiin kale oo labada dhinacba ah.

 

Heshiiskan ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo oo uu akhriyey Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Sacad Cali Shire ayaa waxay u dhignaayeen sidan:-

  1. In Somaliland iyo Khaatumo ku tantuunsadaan sidii is afgarad buuxa loo wada gaadhi lahaa.
  2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo wada heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan caddaalad, maamul wanaag, xaq dhawrista xuquuqda aadamaha oo ku dhisan diinta islaamka, oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti ee ay u wada siman yihiin.
  3. In dastuurka Somaliand la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo caddaalad ku dhisan oo laga sameeyo madaxda goleyaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
  4. In la sameeyo maamul daadajin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
  5. In shir dambe la isugu yimaado tobanka bisha July laguna qabto magaalada Burco si loogu dhameeyo wixii qabyo ah lagana tashado qaabkii iyo hannaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.

Intaasi kadibna, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay Somaliland iyo Khaatumo “Maanta waa maalin taariikhi ah, inta halkan fadhidaana taariikhda ayey gali doonaan, waxaanay inoo horseedi doontaa Nolol wanaagsan, Nabad wanaagsan, Barwaaqo iyo Mustaqbal dhallinyaradeena ah, Insha Allaahu”, wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Heshiiskan waxa uu ku sallaysan yahay ‘Islaax bayna Naas’ waayo, Dad Muslimiin ah baynu nahay, markaa intii kale ee ka soo shaqaysaynaya waan u mahadnaqayaa” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Sacad Cali Shire

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews