Wakhtiga La Filaayo In Laga Dhigo Doorashada Golayaasha Wakiilada Iyo Deeganka Ee Dib U Dhacu Ku Yimid
December 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaan soo dhawayn dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka Somaliland oo qorshaysnaa March 2019 in la qabto.
Guddiga doorashooyinka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dib u dhac ku yimid doorashooyinkii Baarlamaanka iyo deegaanka, waxaanay soo bandhigeen dhawr duruufood oo caqabad ku noqtay qabsoomida doorashadaas. Ma jiro wakhti weli loo cayimay inay doorashooyinku dalka kaga qabsoomaan.
Diblomaasi reer galbeed ah oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, maadaama oo aanu u xilsaarnayn inuu saxaafadda la hadlo, ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalka Somaliland ka taageera doorashoyinka iyo dimuqraadiyadu aanay soo dhawayn dib u dhacan ku yimid doorashooyinka, “Waa wax laga xumaado, lagamana soo dhawayn dhankayaga. Waxa jira shir ay dalalka deeq bixiyayaasha ahi ka yeesheen dib u dhacan, mana aha mid la aqbali karo.” Sidaas waxa yidhi diblomaasiga u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay “Wefti ayaa loo soo diray Hargeysa, lana kulmay Madaxweynaha iyo guddiga doorashooyinka iyo dhinacyada kale, waxaana muhiim ah inaanay Somaliland ka dhicin tareenka ay saarnayd ee magaca u soo jiiday ee dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka”