berberatoday.com
Cabdiweli Oo Shalay Ciidamo Badan Ku Soo Galay Deegaamo Ka Tirsan Bariga Gobolka Sanaag Ee Somaliland
November 29, 2018 - Written by Berbera Today

Dhahar(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi-Weli Cali Gaas ayaa shalay arooryadii hore safar dhulka ah ku soo galay Deegaamo door ah oo ka tirsan Gobolka Sanaag ee Somaliland iyadoo uu maalmihii u dambeeyay xarunta Gobolkaasi ee Ceerigaabo isaguna ku sugnaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Cabdi-Weli Gaas ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyay ee Puntland ee soo Gaadha Magaalada Dhahar ee Somaliland.

Waxa uu Cabdi weli Gaas ka hor intaanu soo gaadhin Deegaamadaasi iska soo horaysiiyay Ciidamo aad u badan oo aad u qalabaysan. Ujeedka ciidamadani ayaa lagu sheegay in loogu talo galay inay sugayaan Amaanka Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, isagoo markii dambe si toos ah ugu degay Magaaladda Dhahar ee Gobolka Sanaag ee Somaliland halkaasi oo soo dhawayn balaadhan loogu sameeyay islamarkaana uu dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaaladaasi uu Goob fagaare ah kala hadlay. Magaalada Dhahar ayaa waxaa lagu arkayay Shalay qaybaheeda kala duwan ciidamo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Cabdi-Weli Gaas ayaa safarkiisan uu ku yimid Dhulka Somaliland ama Deegaamada Sanaag Bari ee Somaliland uu salka ku hayaa Ololaha uu ugu jiro inuu mar kale ku soo laabto Kursiga Madaxtinimada Puntland,waana Madaxweynihii u horeeyay ee Maamulka Puntland qabta ee Magaaladaasi yimaada. Waxa uu shalay illaa Xalay ku sugnaa Magaaladda Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag islamarkaana ka mid ah meelaha uu sanadadii u dambeeyay ku soo fidiyay Maamulkiisa isagoo ku doodaya inuu deegaankaasi ka mid yahay Dhulka Puntland, waa goobaha uu doonayo inuu ololaha ku galo oo uu cod kaga helo Baarlamaanka, sheegtana inuu Somaliland ka hantiyay ama uu ku libin sheegto inuu maamulkiisa gaadhsiiyay meel aanay kuwii ka horeeyay soo gaadhin,waxaana  inta uu joogo ka furayaa mashaariic badan oo uu ku hanto quluubta shacabka Deegaankaasi ku dhaqan.

Dhinaca kale waxa isaguna Safar ku jooga Gobolka Sanaag Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Waxaanu Shalay oo laga filayay inuu safar ku tago Deegaamada Bariga fog ee Gobolka Sanaag gaar ahaan Deegaamada uu Madaxweynaha Puntland hadda ku sugan yahay ayaa si lama filaan ah dib ugu soo noqday Xalay Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer, oo uu hore safarkiisan ugu sii maray. Madaxweyne Biixi ayaa sida la sheegay halkaasi ku hakiyay safarkiisa  waxaanu sida la sheegay ku soo jeedaa Xagan Caasimadda Hargeysa oo la filayo inuu Bariba soo gaadho.

Horjoogaha Maamulka Puntland ayaa safarkiisan uu ku soo gaadhay meel 110km u jirta Caasimadda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo uu jawaab uga dhigayaa safarkii uu Madaxweyne Biixi todobaadkii hore ku tagay Duleedka Caasimadda Maamulkaasi Garowe, gaar ahaan DeegaankaTukoraq oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Puntland, halkaasi oo uu dhawr jeer dagaal dhiig ku daatay ku dhex maray Labada Ciidan islamarkaana jab culus lagu gaadhsiiyay kuwa Maamul Goboleedka dalkaasi Soomaaliya ee Puntland

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews