berberatoday.com
Maxaa Laga Ogyahay Shirkadaha Reer Jabuuti Ee Niista Ama Ciidda Ka Daabula Degaanka Saylac Ee G. Salal?
November 23, 2018 - Written by Berbera Today

Seylac(Berberatoday.com)-Muddo ku siman 15 sano kaddib badi dadweynaha Soomaaliland waxba kama oga daabulka niista iyo ciidda teedsan dooxyada degaanada Saylac iyo Lawyacaddo ,kuwaasoo hadh iyo habeen shirkado fadhigoodu yahay dalka Jabuuti balse lagu sheegay inay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Shiinaha ,sidoo kalena ma jirto cid ka tirsanayd labadii dawladood ee uu dambeeyey iyo tan maanta dalka xukunta oo ka hadashay daabulka ciiddaasi ama niisataasi .

 

Sida dadka deegaankaasi qaarkood daabulka ciiddan u sheegeen warbaahinta dalka wakhti hore iyo dhibaatada daabulka ciiddaasi u keeni karto dooxyada degaankaasi ,hase yeeshee ma jirto cid jawaab ka bixisay ama isku taxalujisay in ay ka sal gaadho arrintan ,waxanad moodaa in daabulka ciiddani yahay mid ay ku geedamanyihiin shaki fara badan ,anad mooddo in arrintani tahay mashruuc la qarinayo .

dhawrkii sano ee lasoo dhaafay waxa degaankasi ku sugnaa laba shirkadood oo shiine ah halka dhawr bilood ka horna la sheegayo inay mid kale kusoo biirtay ,kuwaasoo sida la sheegay ciiddaasi ama niistaasi u daabula xeryaha ciidamada milatari ee saldhigyada ku leh dalkaasi Jabuuti si ay gabbaad ama dhufays uga dhigtaan ,balse dhinaca kale waxa la sheegeyaa in niistaasi ama ciiddaasi usii dhaafto dalal kale lagana dhoofiyo dalka Jabuuti si waxyaalo kale looga sameeyo.

Dawladda Jabuuti marnaba kama hadasho daabulka ciiddan sida dawlada soomaaliland uga aamusantahay, lama ogga heshiis labada dawladood ku dhex maray daabulka niistaasi,cidda wakiilka uga ah Soomaaliland ama degaanka Saylac ee wax ka og ama dhaqaale ama dan kale ku qabta .

Borofeysarka caanka ah ee reer Soomaaliland , Axmed Ismaaciil samatar,oo mar booqasho ku tegey demada Saylac iyo Lawyacaddo ,lana tusay daabulka carrada Soomaaliland ee halkaa ka socota ayaa nasiib darro ku tilmaamay waxa ka socda halkaasi ,hase yeeshee dheg jalaq looma siin waxanad mooddaa inay Jabuuti degaankaasi ka aaminsantahayba qayb ka tirsan dalkeeda cid ku haysataana anay jirin sabatoo ah maalin uun baa dawladda Soomaaliland ka hadli lahayd waxa ka dhacaya xeebtaasi.

waxaase la sugi doonaa bal inta shicib iyo dawladba lagu baraarugi doono khasaaraha iyo faa’iidada degaankaasi kasoo gaadha daabulka ciiddaasi hadiiba an dhulkaasi laga kireynindawlddaasi jaarka ah.

Wariye: Cumar Maxamed Cumar Sheekh, Boorama, Somaliland

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews