berberatoday.com
Maxaad Ka Taqaan Waxyaalaha Sababa Inay Timaha Aadmigu Daataan Oo Dad Badan La Yaab Ku Noqonaya !
November 20, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Dad aad u badan ayaa waxay Ammakaag iyo Yaab ka muujiyaan Daadashada Timaha ee sida fudud u bilaabma, Haddaba sida lagu baahiyay Barta ‘WebMd’ ee ka Faalooda Arrimaha Caafimaadka oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa lagu sheegay kow toban arrin oo ay muhiim tahay in la ogaado oo xal ka noqon kara Timo daadashada waxaanay kala yihiin kuwan hoos ku qoran:-

1.Iron-ta oo ku yaraata Jidhka: Iron-tu waxay ka qayb qaadataa Kobcinta Timaha mar kasta Oo Iron-tu ku yaraato Jidhka Qofkana waxay sababaysaa in Timihiisu daataan.

2.Protein-ka oo Jidhka ku yaraada: portein-ka oo jidhka ku yaraada waxay ka mid tahay arrimaha sababa inay timuhu daataan.

3.Walwalka: walwalka faraha badan ee qofka soo waajaha waxay ka mid tahay arrimaha sababa timo daadashada.

4.Timaha oo la jiid jiido: waxa jira dad aad u tiro badan oo marka ay arrin soo waajahdo amase marka ay fikirayaan Timahooda jiid jiida, taasi oo ay sabab u tahay in timaha qofku daataan.

5.Cuduro: Waxa jira 30 cudur oo ku dhaca qofka oo xumadaha ay sababaan sabab u noqdaan in timuhu daataan.

6.Qaliinada Miisaanka Qofka hoos loogu dhigo: waxa jira dad aad u badan oo gala qaliino ay isku dhuubayaan oo hadafkoodu u tahay inay noqdaan dad dhuudhuuban oo miisaankoodu hooseyo, balse qaliinada noocaasi ahi waxay sabab u noqdaan Daadashada Timaha.

7.Daryeelid la’aanta Timaha: Daryeelid la’ aanta timuhu waxay ka mid tahay sababaha ugu waayweyn ee keena daadashada timaha.

8.Isticmaalka Qalajiyaha Timaha: Isticmaalka joogtada ah ee qalajiyaha Timuhu waxay keentaa Timo daadashada.

9.Cabista Sigaarka: Cabista sigaarku waxay ka mid tahay dhibaatooyinka sababa in timahaagu daataan.

10.Cunto Xumida: In qofku cuntada si wanaagsan u cuni waayaa waa sabab ka mid ah kuwa timuhu la daataan.

11.Dawooyinka: Isticmaalka dawooyinka qaar ayaa sababa in timahaagu daataan sidaasi awgeed waxa habboon in Isticmaalka dawooyinka aad kala tashato dhakhtarkaaga.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews