berberatoday.com
Askari Ka Mid Ahaa Ilaalada Madaxtooyada Oo Geeriyooday Iyo Taliyaha Ciidammadaasi Oo Tacsi U Diray
November 17, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Tacsi u diray Ciidamada Qalabka Sida iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Xidigle Cabdi Xasan Jaamac (Dhaban-leexshe) oo ka mid ahaa Ciidammada ilaalada Madaxtooyada, kaasi oo saaka ku geeriyooday Hargeysa.

Sidaana waxa lagu sheegay dhambaal Tacsi oo uu soo saaray Taliyaha Ciidammada Illaalada Madaxtooyada JSL Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), waxa uu tacsi u dirayaa Dhammaan Saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifle ilaa dable, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xidigle Cabdi Xasan Jaamac (Dhaban-leexshe) oo ka mid ahaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL, muddo dheerna ka tirsanaa isagoo ka mid ahaa ciidankii lagu aas-aasay ilaalada madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, ubadkii, ooridiisi iyo dhammaan ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.

Marxuum Dhaban-leexshe

Marxuumku waxa uu beryahan u jiifay xanuun ayaa loo diray dalka dibediisa, balse laga soo celiyey dhawaan ayaa saaka subaxnimadii hore ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa, waxaana lagu aasay maanta Xabaalaha sheekh Cumar ee magaalada Hargeysa.

Waxaanu Taliyuhu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, ubadkii, ooridiisi iyo dhammaan ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo..” Aamin…..Aamin ……Aamin.

Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud)

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews