berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Ka Hadashay Geerida Fanaankii Murxuum Maxamed Miyir Xaaji Oo Katirsanaa Waaxda Dhaqanka Ee wasaarada Warfaafinta
October 7, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-ALLE ha u naxariistee Waxa galabta ku geeriyooday magaalada Hargeysa Marxuum- Maxamed Miyir Xaaji oo ka mid ahaa Miyuusishannada caanka ah ee Somaliland, oo muddo laba maalmood ah u jiifay xannuun ku soo booday.

Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdi Maxamed Jaamac, ayaa u sheegay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, in Marxuum- Maxamed Miyir Xaaji uu tumi jiray dhawr qalab oo ka mid ah Miyuusiga, sida Kamanka, Giitaarka iyo Fiyoliinta.

Agaasime Cabdi Maxamed Jaamac waxa uu xaqiijiyey in Marxuum-Maxamed Miyir uu ahaa nin dhallinyaro ah oo hawlkar ku ah shaqadiisa isla markaana dedaal badan, waxaanu tilmaamay inuu ku soo biiray Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda sannadkii 2000.

Cabdi Maxamed Jaamac wuxuu iftiimiyey in Marxuum Maxamed Miyir ahaa ahaa Mulaxan ku wanaagsan codaynta heesaha.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo fannaaniinta Somaliland ee uu ka baxay marxuum-Maxamed Miyir Xaaji, waxaanu Marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo bahda fanka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum-Maxamed Miyir Xaaji waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1974kii, waxaanu waxbarashadiisii Hoose/Dhexe ku soo qaatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu ku koray, kuna barbaaray isla markaana kaga biiray fanka.

Marxuumku wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo siddeed carruur ah oo iskugu jira Saddex Hablood iyo Shan Wiil. Marxuumka waxa Axadda Beri lagu aasi doonaa beertooda oo ku taalla Xeedho.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews