berberatoday.com
Dufcaddii 9-aad Oo Ka Qalin-jebiyey Xarunta Dhimirka Ee SAHAN Ee Magaalada Hargeysa Iyo Khudbadihii Laga Jeediyey Munaasibadda + SAWIRRO
September 27, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dufcaddii 9-aad ee ka Qalin-jebisa Xarunta Lagu Daweeyo Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka ee SAHAN ee Magaalada Hargeysa, ayaa Shalay lagu qabtay Xaruntaasi.

Sahan 2

Xarunta SAHAN oo ah Xarunta ugu weyn Geeska Afrika ee lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka Xuskoodu dhiman yahay, ayaa Dadka halkaa ku bogsada waxa loo fidiyaa Adeegyo Waxbarasho, Ciyaaro iyo in la baro Qur’aanka Kariimka ah iyo Xirfadaha Dadku ku shaqo tagaan.

Sahan 3

Dufcadda 9-aad ee qalin-jebisay oo bogsatay ayaa waxyaabaha la baray waxay iskugu jiray kuwo la baray Qur’aanka Kariimka ah, Xirfadaha Laydhka, Dawaarka iyo Waxbarashada aasaasiga ah.

Munaasibadda Qalin-jebintooda ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro badnayd iyo dhakhaatiirta ka hawl-gala Xaruntaasi.

Sahan 4

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ka warramay Marxaladihii Xaruntu soo martay, halka ay hadda marayso iyo Caqabadaha jira, waxaanu yidhi “Xarunta Sahan Cid lagu silsiladeeyaa ma jirto, waana ka mabnuuc Silsiladdu. Qofku markuu soo xanuunsado ee la keeno, dhakhaatiirtii baa diyaar ah, way daweynayaan, Jimicsiga waa inuu tagaa, kol waa inuu kubadda Ciyaaraa, markaas ayuu Qofku isagoo iska daalan uu iska seexanayaa.”

Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Qofku marka wuxuu sameeyay ay Midho-dhalaan wuu ku farxaan, markaa Maanta aad baan ugu faraxsanahay.” Ayuu yidhi.

Sahan 5

Agaasimaha Cisbitaalka Dhimirka ee Hargeysa Dr. Mustafe oo sidoo kale ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl-gala Xarunta SAHAN oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Ilaahay oo Caafimaad siiyey ayaynu u Mahad-naqaynaa, iyagana waxaan kula dardaarmayaa oo aan leeyahay Maanta halka aad taagan tihiin waad garanaysaan, Maanta Xirfad baad kala baxaysaa Xarunta SAHAN, Xirfaddaa ayaad Xaruntan kala baxday inaad ku shaqo tagto ayaa loo baahan yahay.”

Sahan 6

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada gaarka loo leeyahay ee Wasaaradda Waxbarashada oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Shahaadada aad qaadanaysaan aad baan idiinku hambalyeynayaa, haddaanu nahay Wasaaradda Waxbarashada Cid kasta oo Waxbaranaysa diyaar baan u nahay, idinkana tiina way ka ajar badan tahay, inta Maanta i maqlaysa waxaan leeyahay waar halkaa wax ha lagu soo darsado.”

Sahan 7

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Axmed Daarood oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu halkan ka ballan-qaadaynaa inaanu Ardayda halkan SAHAN ka qalin-jebisay aanu siino Qalabkii ay ku shaqaynayeen ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa.”

SAHAN 1

Xildhibaan Axmed Daahir oo ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Jabuuti intaas oo Qof ayaa la iiga soo diray oo aan halkan keenay, Geeska Afrika kama jirto meel SAHAN la mid ah ayaan leeyahay, waa meel lagu tabcay, sidaa darteed waxaan ballan-qaadayaa inaan Golaha deegaanka Hargeysa hor-geeyo sidii ay wax ula qaban lahaayeen.”

Sahan 8

Safiirka Somaliland ee Dalka Finland Marwo Saamiya Muuse oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Ismaan lahayn Xarunta SAHAN oo kale ayaa Somaliland ku taalla, sidaa darteed, sidaa darteed Anigoo Saamiya Muuse ah halgan baan u gelayaa, qurbe-joogtana waan soo kicin doonaa.”

Gebogabadii waxa halkaa Shahaadooyin lagu Guddoonsiiyey Dadkii Bogsaday ee la baray Xirfadaha kala duwan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews