berberatoday.com
Boqolaal Milyan Oo Qof Oo Dunida Ku Kala Nool Oo U Dhinta Cabista Khamriga Iyo Tirada Haweenka Ee Khamriga Cabta !
September 25, 2018 - Written by Berbera Today

New York(Berberatoday.com)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaaca ka qaaday in ilaa iyo saddex Milyan oo qof sanad kasta u geeriyoodaan Cabista Khamriga, taasoo macnaheedu yahay in labaatankii xaaladood ee dhimasho ah ee Dunida ka dhaca hal xaalad oo ka mid ah uu Khamrigu sababo.

931ffb42-a032-4965-bb3a-e4c27b83cf43_16x9_1200x676 (1)Waxa kale oo ay Hay’adu xaqiijisay in tirada ugu badan oo cabista Khamriga u geeriyoota ay Rag u badan tahay, wallaw ay jirto wacyigelin aad u badan oo lagaga hadlayo dhibaatooyinka Khamriga, balse waxa la filayaa in tobanka sano ee soo socda ay kor u sii kacdo tirada dadka Khamriga caba ee Caalamka ku nooli.

Maamulaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka Tidros Adhanum ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dhibaatadaasi si degdeg ah wax looga qabto waxaanu sidoo kale sheegay in dhibaatada Cabista Khamrigu ay saamaysay dad aad u tiro badan iyo waliba Qoysas badan, sidaasi awgeedna ay habboon tahay in wax laga qabto.

Warbixintan ayaa Hay’adda caafimaadku sanadkan 2018 ka diyaarisay tirada dadka Khamriga caba ee Caalamka ku nool ayaa waxay ku sheegtay in 237 Milyan oo ka mid ah Ragga Caalamka ku nool Khamriga cabaan.

Sidoo kalena tirada Haweenka khamriga Caba ee Caalamka ku nool ayaa waxay Hay’addu ku sheegtay in tiradoodu ay dhan tahay 46 Milyan oo haween oo dhammaantood si xad dhaaf u caba khamriga.

Qaarada Yurub ayaa ah qaarada ugu Cabista Badan Khamriga marka loo eego qaaradaha kale ee Caalamka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews