berberatoday.com
Wasiir Iska Casilay Maamulka Puntland Oo Sheegay In Maamul Xumo Iyo Musuqmaasuq Ka Jiro Putland
September 24, 2018 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Wasiirkii Wasaaradda Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada ee Maamul-goboleedka Puntland Cali Cabdillaahi Warsame, ayaa maanta is-casilay,  isagoo ku eedeeyay Maamulka musuqmaasuq iyo inuu ku fashilmay Himilooyinkii Shacabka Puntland ka filayey.

Cali Cabdillaahi Warsame Wasiirkii Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada Puntland, waxa kale oo uu ku sababeeyay is-casilaaddiisa in Shaqada Wasaaradda lugu wareejiyay Hay’ad uu  sheegay inay Madaxtooyada Puntland si gaar ah u naas-nuujiso, si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabbaqo, sida uu hadalka u dhigay Wasiirka is-casilay.

Waxa uu sidoo kale Cali sheegay inaanay Shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kala duwan ee Wasaaraddu badi helin muddo sadddex sano ah Xuquuqihii aasaasiga ahaa ee Mushaharka iyo Gunnooyinku ka mid yihiin.

Wasiirka is casilay,  wuxuu sheegay in Maamulka Puntland waxba ka qaban waayay Amniga, isagoo si gaar ah u tilmaamay Madaxtooyada, isla markaana waxa uu ku eedeeyey Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, inay si toos ah is hor-istaag ugu sameeyey Mashaariic horumarineed oo howlihii horumarinta Baahiyaha Bulshada, halka laga horreysiiyo danaha shaqsiyaad gaar ah, sida uu hadalka u dhigay Cali Cabdillaahi Warsame.

Maalmihii iyo Toddobadyadii ugu dambeeyay, ayaa la hadal-hayay in Wasiirka Shaqada ka tegay Maanta Cali Cabdillaahi Warsame, xilkan iska casilayo, ka dib markii wax jawaab ah uu ka bixin waayay Xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Gaas cabasho ay u gudbiyeen Mudane Warsame iyo Wasaaraddiisu oo la xidhiidhay shaqada Wasaaradda.

ISCASILAADDA CALI CABDILLAAHI WARSAME (1)

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews