berberatoday.com
Deraasaddo Cusub Oo Lagu Xaqiijiyey In Isbiriinku Aanu Daweyn Cudurada Wadnaha !
September 24, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Saddex deraasadood oo cusub oo dhawaan la soo saaray ayaa lagu cadeeyay in Kiniin Isbiriinka loo yaqaano aanu waxba ka tirin cudurada Wadnaha soo waajaha sida lagu baahiyey wakaalada Wararka ee Al-arabia oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

4325bc43-ac3e-4679-ad0c-198d7b26acd5_4x3_690x515 (1)Haddaba, deraasadahan oo ay ka hawlgaleen khubaro aad u xeel dheeri waxay u dhignaayeen sidan:-

Deraasadda koowaad: Deraasaddan oo lagu sameeyay dad tiro badan isla markaana la siiyey Isbiriinka ayaa waxa dadkaasi qaarkood ay kala kulmeen dhibaato ka soo gaadhay wadnaha halka qaar kalena uu ku dhacay dhiig bax xad dhaaf ah oo sababay inay galaan dhakhtarka.

Dadkan la siiyey Kiniinkaasi intii lagu guda jiray Deraasaddan ayaa waxay ahaayeen dad ka cabanayey Xanuunada kala duwan ee wadnaha soo waajaha waxaana markii kiniinkaasi Isbiriinka ah la siiyey kadib la ogaaday in aanu kiniinkaasi wax faa’iido ah haba yaraatee u laheyn isla markaana 9% ka mid ah ay la kulmeen dhibaato ka badan dhibaatadii ay hore uga cabanayeen.

Deraasadda Labaad: Deraasaddan ayaa waxa lagu sameeyay 12 kun oo qof oo muddo dheer ka cabanayey Xanuunada ku dhaca wadnaha, dadkaasi ayaa markii la baadhay waxa la ogaaday in dadkaasi ay halis u yihiin in uu wadnuhu istaago.

Balse dadkan ayaa markii la siiyey Kiniinkaasi waxa bilaabmay xanuuno cusub oo ka soo wajahay wadnaha oo aanay hore uga caban jirin arrintaasi oo la xaqiijiyey inuu sabab u yahay Isbiriinku.

Deraasadda Saddexaad: Deraasaddan ayaa iyaduna waxa lagu sameeyay dad qaba cudurka Macaanka labadiisa nooc ee Labka iyo Dheddiga ba, dadkaasi ayaa ahaa kuwa uu wadnahoodu caafimaad qabo, balse markii la siiyey Isbiriinka 30% ka mid ah ayaa waxa ku dhacay dhiig bax sababay in dhakhaatiirta la dhigo.

Haddaba, iyadoo ay waxaasi oo cadeymo ahi jiraan ayaa ilaa iyo haatan waxay dhakhaatiirtu wali  aaminsan yihiin in Isbiriinku uu daweeyo Cudurada Wadnaha.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews