berberatoday.com
Badhasaabka Sanaag Oo Si Adag U Sheegay In Ciddii Aan Amarkiisa Qaadanin Joogayn Gobolka Iyo Waxa Ku Kellifay Hadalkaa
September 24, 2018 - Written by Berbera Today

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), ayaa ka hadlay Masuuliyiin ka mid ah Maamulka Gobolkaasi oo ka hor-yimid amar isaga ka soo baxay.

Badhasaabka SanaagBadhasaabka oo Shalay dhagax-dhigay Xarun Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiintu ku yeelanayso Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in Dhulka laga dhisayo Xaruntaasi oo ku taalla Xaafadda Shacabka ee Magaalada Ceerigaabo uu isagu siiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta, balse ay jiraan Masuuliyiin uu sheegay inuu garan waayay muraadkooda, kuwaasi oo ka hor-yimid bixinta Dhulkaasi.

Badhasaabka Gobolka Sanaag oo Carrabaabin Masuuliyiinta ka hor-yimid Dhulka uu Xaafadda Shacabka ka siiyey Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, ayaa tilmaamay in masuulkii aan Amarkiisa qaadanin aanu joogayn Gobolka Sanaag, loona baahan yahay in Masuuliyiinta Dawladda ee gobolka Sanaag ku sugani ay la shaqeeyaan isaga oo ah Masuulka ugu sarreeya Gobolka isla-markaana amarradiisa fuliyaan.

Guddoomiye Tiimbarro oo hadalkan ka jeediyey Munaasibaddii uu ku dhagax-dhigay Dhismaha Wasaaradda Isgaadhsiinta, ayaa yidhi “Goobtan (La siiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta) oo Xaafadda Shacabka ah ee Magaalada Ceerigaabo, Liinka Booliska barbarkiisana ah waxaanu siinay Wasaaradda Isgaadhsiinta, laakiin waxa jira Ashkhaas aan garan waayay muraadka ay leeyihiin oo hadal ka keenay, Dhulkan Anigu qaadan maayo, Maayarna qaadan maayo, shaqsi kalena qaadan maayo, haddii Dawladdu lahaydna waxa loo dhisayaa waa Dawladda uun, markaa  Anigu maan garanin muraadka laga leeyahay in la yidhaahdo Dhulkan Booliskaa lahaa iyo Hebel kalaa lahaa, waxaan leeyahay meeshu waa xaafadda Shacabka, Dhulka shacabkana waxa maamula Wasaaradda Hawlaha guud iyo Badhasaabka, Anagaana bixinay, Ciddii muraad kale ka lihi iyadaa caddaysan doonta.”

Badhasaabka Sanaag oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaax ka bixiyey in Cidda dhulkaa bixintiisa hadalka ka keentay inuu yahay Taliska Booliiska ee Gobolka Sanaag “Boolisku hadduu u baahan yahay Dhul iyo Xeryo waa loo hayaa Dhul, laakiin maaha in Maalinba Hay’ad Dawladeed inay Hay’ad Dawladeed meel ku qabsato, waxa loo baahan yahay wada-shaqayn iyo in Dawladda loo wada-shaqeeyo, lagana wada-shaqeeyo wixii Gobolka u soo kordha, laakiin haddii Maalinba aynu nidhaahno halkan Anigaa ag-taagnaa iyo anigaa Ag-fadhiyey iyo beribay Xero Milletari ahaan jirtay, adeer sidaa Gobolku ku socon maayo, si looga shaqeeyana la garan maayo, Amarka haddaan la kala qaadanaynna meeshan la wada joogi maayo, Ciddii Amarka diidaa way iskaga tagaysaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Si Cad ayaan idiinku sheegayaaye, Anigu Madaxweynaha ayaan Wakiil ka ahay, Anigu inaan Jagadaa yar kala hadlo Madaxweynaha iyo Taliyaha Booliska wax meesha ka qabta maaha, markaa Ciddii aan amarkayga qaadanayneey meesha ama Adigaa Badhasaab ka noqonaya ama Anigaa Badhasaab ka noqonaya. Wada-shaqayn baa innaga dhaxaysa, Qofkii Wada-shaqaynta diidaa Gobolka wuu ka baxayaa, sidaa ku talo-gala…”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews