berberatoday.com
Laba Arimood Oo Boqortooyada Sucuudigu Dooneyso Inay Ka Caawiso Somaliland .
September 23, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawlada Boqortooyada Sucuudiga ayaa la sheegay inay dooneyso inay xidhiidh dhaw oo cusub ay la yeelato dalka Jamhuuriyada Somaliland

Wararka ay Wargeyska Geeska Africa helay waxaa ay xaqiijinayaan in dawlada Sucuudigu ay go,aansatey inay Somaliland ka taageerto laba arimood oo kala ah Arimaha Horumarka iyo arimaha Amaanka waxaana xidhiidhka uu sucuudigu doonaayo inuu la bilaabo Somaliland uu qeyb ka yahay loolanka u dhexeeya dawladaha Khaliijka , waxaanu sucuudigu doonayaa inu sameyn ku yeesho gobalka Geeska Africa .

 

 

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaaa hore xidhiidh ula bilowdey Somaliland waxaana lagu wareejiyey dekada Berbera iyada oo ay UAE saldhih Military-na ka sameysatay magaalada Istaraajiga ah ee Berbera .

Indhaha cusub ee Sucuudigu ku soo eegaayo Somaliland ayaa soo baxday ka dib markii ay dawlada boqortooyada Sucuudigu ay ku soo dartay Liiska xujaajta uu boqorka dalkaasi martiqaado madaxweyne ku xigeenka Somaliland halkaas oo uu kula kulmay madax ka tirsan kuwa sucuudiga oo u badan kuwa amaanka iyo kuwa arimaha Horumarka iyo mucaawinooyinka , waxaana marti qaadka la soo mariyey safaarada Sucudigu ku leedahay dalka Jabuuti .

Wararka Geeska Africa helay waxaa ay sheegayan in saraakiil Amni oo dawlad Sucuudiga ka tirsan iyo kuwa dhinaca mucaawinooyinkaay madax weyne ku xigeenka iyo siyaasiyiin kale oo reer Somaliland ah kulamo xog uruursi ah la yeesheen , waxaanay u sheegeen waftiga Somaliland inay doonayaan inay xidhiidh aan siyaasad ku saleysneen oo ku saabsan arimaha horumarka iyo Amaanka la yeeshaan Somaliland .

Lakiin lama hubo in waftiga madaxweyne ku xigeenku ay Sucuudiga u bandhigeen qorshayaal ay sii diyaarsadeen oo ay Somaliland dooneyso inuu Sucuudigu wax kala qabto .

Sucuudiga ayaa la sheegay in uu doonaayo inuu Wafti u soo diro Hargeysa ,waxaana soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ay Hargeysa soo gaadheen Wafti hor dhacu ah oo ay la socdeen xubno asal ahaan reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Sucudiga .

Dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa doonaya inay dalka Qatar ka xidhaan inu Sameyn ku yeesho gobalka Geeska Africawaxaana ay dhawaan heshiisyo Taariikhi ah ay kala dhex dhigeen Dalalka Itoobiya iyo Eretria , sidoo kale-na dalalka Jabuuti iyo Eretria ayaa iyaguna bilabey inay ka heshiiyaan dagaal iyo colaad tobanaan saro taagneed .

Lakiin dalka Qatar ayaa ilaa hada waxaa uu xidhiidh adag la leeyahay dalka Somaliya oo iyadu diiday inay xidhiidhka u jarto Qatar.

Sucuudiga ayaa markaas Somaliya ka joojiyey Mashaariic horumaraneed oo ay hore ugu balan qaaday inuu ka fulinaayo dalka Somaliya .

Si kastaba ha ahatee dadka Diblomaasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah aqoonta u leh ayaa isha ku haya bal sida ay Somaliland uga Faa’idaysan doonto indhaha ay ku soo jeedisay Boqortooyada Sucuudigu oo noqoneysa Dawlada Labaad ee dalalka Khaliijka ah ee xiisaynaysa xidhiidh ay la yeelato Somaliland

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews