Maamulka Falastiin Oo Sameeyey Talaabo Ay Kaga Aarsanayaan Dalka Mareykanka + Waa Noocma
September 15, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Waxaa khamiistii shalay si rasmi ah loo xidhay xafiiskii uu Maamulka Falastiin ku lahaa magaalada Washington DC ee caasimada Maraykanka, kadib amar todobaadkan kasoo baxay xukuumada Trump.

Dowlada Maraykanka ayaa isniintii lasoo dhaafay ku amartay Falastiiniyiinta inay xiraan xafiiskii rasmiga ahaa oo ay ku lahaayeen caasimada Maraykanka, xili xukuumada Trump ay cadaadis xoogleh saareyso maamulka xoreyd doonka ah ee reer Falastiin.