berberatoday.com
Banka Dhexe Ee Somaliland Oo Aan Wali Xal Uhelin Sicir Bararka Dalka Aafeeyay Iyo Sarifka Lacaga Qalaad Ee Kor Usii Kacaya
September 14, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa noqday mid ku fashilmay la tacaalida Sicir bararka aafeeyey bulshadda reer Somaliland

, iyada oo uu maalinba maalinta ka dambaysa kor usii kacaayo Sicir Bararku.

Guddoomiyaha cusub ee Baanka Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaan ilaa hadda waxba ka qaban fashilaadaha dul hoganaaya Baanka dhexe ee Somaliland, kaas oo gebi ahaanba ku fashilmay in uu dalka iyo dadkaba ugu shaqeeyo sidii Baan ugu shaqayn jiray.

Lacagihii loogu talo galay in uu ka shaqeeyo ayay hadda gacanta ku hayaan shirkaddaha waaweyn ee Somaliland kuwaas oo shacabka ugu jira kaalintii Baanka dhexe lahaa, gaar ahaana sarifka iyo jarida sicirka sarifka ee maalinlaha ah.

Dhanka kalena gudidii uu madaxweyne Muuse biixi hore ugu magacaabay la dagaalanka Sicir bararka iyo kazoo talo bixintiisa ayaa iyaguna noqday kuwo aan dib loo arag, waxaanay noqdeen kuwo ay shacabku ku hungoobeen.

Xaaladan sicir barar ee dalka ka taagan ayaa haddii ay sii socoto keeni karta Xaalad Adag oo dalka soo food saarta , iyadda oo ay jiraan dad badan oo aan helin quutal yawmkooda ama nolol maalmeedkoodaba oo danyara.

Maciishadda ayaa sidoo kale suuqyadda Somaliland kor u kacday, iyadda oo aanay dadka qaarkood jari Karin .

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews