berberatoday.com
Magaalo Ka Mid Ah Dal-weynaha Maraykanka Oo Aqoonsatay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland
September 7, 2018 - Written by Berbera Today

Clarkston(Berberatoday.com)-Golaha Deegaanaka Magaalada Clarkston ee dalka Maraykanka ayaa si rasmiya ah ugu dhawaaqay inay Somaliland u aqoonsadeen Dawlad Madax-bannaan, waxaanu Golaha deegaanku sheegay in sababta ay u ictiraafeen Somaliland ay tahay inay Xaq u leedahay in loo aqoonsado dal ka mid ah waddamada Dunida.

Golaha Deegaanka Magaalada Clarkston ayaa sheegay sida Somaliland xaq caalami ah ugu leedahay in la aqoonsado, waxayna baaq u direen Ururka midawga Afrika iyo dhammaan bulshada Caalamka, iyagoo tilmaamay in la gaadhay wakhti aan la hilmaami karin sharcinimada iyo xaqa ay Somaliland u leedahay in la aqoonsado.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa War-saxaafadeedka ay ku shaacisay in Golaha deegaanka Magaalada Clarkston uu Aqoonsaday Madax-bannaanida Somaliland, sidoo kale ugu Mahad-naqday Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Magaaladaasi.

War-saxaafadeedka ayey Wasaaradda Arrimaha dibeddu ku sheegtay “Wasaaraada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadd Somaliland waxay mahadnaq iyo bogaadinba u diraysaa Golaha deegaanka ee magaalada Clarkston ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka sida dhiirannaanta leh ee ay u qireen xaqa ay Somaliland in u leedahay in la aqoonsado.”

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay bogaadisay Muwaadiniin reer Somaliland ah oo dedaal u galay Aqoonsiga Magaalada Clarkston ee Madax-bannaanida Somaliland “Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waxay hambalyo, bogaadin iyo mahadnaq ba u soo jeedinaysaa muwaadiniinta reer Somaliland ee sida gaarka ah iskaga xil-saaray hawshan, gaar ahaan Saamiya Cabdillaahi Walanwal oo bilawday hawshan iyo dhammaan ba muwaadiniinta reer Somaliland ee taageerada la garab istaagay oo ay ka mid yihiin, Jamaal Yuusuf Daroor, Fu’aad Cabdi Ismaaciil, Cali Qanaf, Cismaan Yuusuf Maxamuud, Cali Xuseen, Mubaarik Suufi..”

Aqoonsiga Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxa kale oo ay Ammaantay Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Magaalada Clarkston ee Aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland, “Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waxay mahadnaq ballaadhan u soo jeedinaysa xubnaha Golaha deegaanka ee magaalada Clarkston, sida Maayar Ted Terrym, Xildhibaan Andrea Cervone, Jamie Carroll, Ahmed Hassan,

 Keith Barker, Tracy Ashby, Stephen Quinn.  Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay si gaar ah ugu mahad-celinaysaa Xildhibaan Axmed Xasan oo ahaa Xildhibaankii mooshinka soo hor dhigay Golaha deegaanka magaalada Clarkston ee dalka Maraykanka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay mooshinkaasi.” Ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, kaasi oo sidoo kale lagu yidhi “Arrintan ayaa waxay ka mid tahay dedaallada ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ugu jirto sidii ay ugu qancin laheyd aqoonsiga Somaliland dhammaan qaybaha bulsho weynta caalamka Qof Qof, Golayaal iyo Dawladaba.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews