berberatoday.com
Mid Kamida Halgamayaashii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil Oo La Filayo In Loo Soo Magacaabo Maareyaha Haamaha Keydka Shiidaalka Berbera
August 13, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Hadal haynta Baraha Bulshada iyo Shacabka Magaalada Berbera ayaa ayaa Tilmaamaya cid ku haboon ee loosoo magacaabi karo Maareeyaha Hamaha Keydka shiidaalka Berbera, Inta Badan dadweynaha reer Berbera ayaa saadaalinaya in maareyaha haamaha shiidaalka Berbera loo soo magacaabi Doono Dr Cismaan Cabdi Barkhadle(Dr Shiine)oo hore usoo noqday Maareyaha haamaha keydka shiidaalka Berbera Xiligii xukumadii Xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Axmed Siilanyo Hogaaminaayay ka caydhisay maamulka haamaha shirkadii TOTAL ee mudada dheer maamulka haamaha kaydka shiidaalka maamulaysay.

Dr Shiine Cabdi Barkhadle waaxa uu kamid yahay halgamayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil isaga oo mudo dheer oo xisbigu mucaarad adag soo maray ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil xilkaasna hayay ilaa guushii xisbiga Kulmiye ee 2010kii isaga oo xilkaas wareejiyay 2011 markii loo magacaabay Mareyaha haamaha Keydka shiidaalka Berbera waxaanu masuulkani kamid yahay raga awooda badan galiyay taabo galka Xisbiga iyo waliba sidii uu uguulaysan lahaa labadii doorasho ee Madaxtooyada ee udanbeeyay.

dhawaan xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada Dr Shiine Cabdi Barkhadle waxa uu kamid ahaa Gudida kaabaynka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil waxaanu hormood u ahaa Guushii Iyo Codadkii tirada badnaa ee Xisbiga Kulmiye ka helay Gobolkan Saaxil kagana guulaystay basxaabta Mucaaradka Somaliland ee Muuse biixi cabdina ku noqday Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Ugu dambayntii iyada oo aan war rasmiya laga haynin Madaxweynaha iyo Cid uu xilkan umagacaabi doono ayaa haddana waxa la saadaalinayaa Dr Shiine cabdi Barkhadle inuu yahay xubin ku haboon in xilkaas loo soo magacaabo isaga oo maamulka Haamahana hore usoo qabtay wax badana kala socda shaqada hamuhu qaranka uhayaan mudadii uu joogayna nadaam maamul iyo mid wax qabad oo muuqadana ka hirgaliyay haamaha.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews