berberatoday.com
Dalka Talyaaniga Laba Ruuxa Oo Ku Geeriyooday Gaadhi Dab Qabsaday
August 7, 2018 - Written by Berbera Today

Bologna(Berberatoday.com)-Booyad iyo gaadhi kale oo isku dhacay iyaga oo maraya waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada Bologna ee waqooyiga dalka Talyaaniga ayaa sababay dab iyo qarax wayn.

Muuqaal ay booliisku baahiyeen ayaa muujiyay booyadda oo dhanka dambe kaga dhacaysa gaariga xamuulka ah, waxaana istaagay adeegsigii waddadaas wayn.

Intaas ka dibna dab ayaa qabsaday, holac wayn ayaana ka kacay, qayb ahaan ayayna u burburtay buundadii ay adeegsanayeen gawaaridaasi.

Labo ruux ayaa dhimatay ugu yaraan 55 ayaana dhaawacantay, sida ay warbaahinta Talyaanigu tabisay.

Dabka ayaa ku faafay goob gawaarida la dhigto oo buundada hoosteeda ahayd, gawaari kale ayaana ku qarxay halkaas.

Booliiska ayaa xiray waddooyin ku yaalla Borgo Panigale oo ah goob ku taalla duleedka magaalada, waxayna sababtay in ay daahaan dad badan oo ka duuli lahaa garoon diyaaradeed oo ka agdhaw goobta shilku ka dhacay kaas oo sii shaqaynayay.

Shilka ayaa ka dhacay isgoyska Casalecchio, kaas oo isku xidha A1 iyo A14.

Dadka dhaawacmay badankooda waxaa haleeyay burburka iyo muraayadaha gawaadhida qarxay, sida ay ku warrantay warbaahinta Talyaaniga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews