berberatoday.com
Xukuumadda Oo Sheegtay In Hargeysa Loogu Hanjabay Madaxii Goob-joogayaasha Ee Doorashadii Madaxtooyada
August 5, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedaymo uu Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u jeediyey Madaxa Goob-joogayaashii Caalamiga ah ee Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee Sannadkii hore 2017-ka Dalka ka qabsoontay.

Warka Micheal WallsMasuuliyiin ka mid ah Xisbiga WADDANI ayaa dhawaan eedaymo u jeediyey Madaxii goob-joogayaasha Caalami ah ee doorashadii Madaxtooyada 2017-ka qabsoontay, ka dib markii Mr. Micheal Walls War-saxaafadeed uu Hargeysa ka soo saaray ku sheegay in barnaamij loogu Magac-daray Baadi-goob oo dhaliilay Daah-furnaantii Doorashadii Madaxtooyada uu ahaa farriin loogu talo-galay Shirkii beesha Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ku qabsadeen Buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil, War-saxaafadeedkaas oo sababay in Dadka qaarkood u hanjabaan Mr. Micheal Walls isla-markaana uga digaan inuu mar kale yimaaddo Somaliland.

War-saxaafadeed uu Shalay soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka guud ee Xukuumadda Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa lagu sheegay inaan Somaliland dhexdeeda Cidna lagu handadi karin.

War-saxaafadeedkaasi oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Jamhuuriyadda Somaliland waa mid ay wada leeyihiin ummadda ku dhaqani, waxaana dhammaantood ku waajib   ah inay wada  ilaaliyaan ku dhaqanka shuruucda   iyo xeerarka dalka, wax kasta oo la isku qabtana loo raaco  wixii sharcigu jideynayo.

Tusaale ahaan, Komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda gacanta ku haya shaqada, waxa markii la sameynayey  lagu dhisay xeer, iyadoo  toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay komishanku ay xukuumadda, Baarlamanka iyo axsaabta qaranku mid waliba keenay xubnaha  xeerka doorashooyinku siiyey, kadibna ay sidaa ku qabteen doorashadii madaxtooyada ee 2017kii.

Qabashada doorashada macnaheedu, waa tartan u dhexeeya dhinacyo   kala duwan oo cidi ku guulaysanayso, cidna laga  guulaysanayo, iyadoo  loo marayo dariiqa uu jideynayo xeerka doorashadu, sidaa awgeed waxa cid kasta waajib ku ah inay ixtiraamto natiijada  ay soo saaraan guddida doorashooyinka, haddii kale waxaynu noqonaynaa ummad aan ku dhaqmin oo aan dhawrin  xeerarkii ay    iyagu dhigteen.

Komishanka qaranka ee doorashooyinku wuxuu leeyahay muddo xilliyeed cayiman. Magacaabistooda, ansixintooda iyo waqtiga  beddelkooduba wuxuu ku cad yahay xeerka doorashooyinka.

Sidaas darteed, suurtagal maaha in  iyagoo aan  dhammeysan  muddadoodii la beddelo, iyadoo la dhawrayo nidaamka sharci ee lagu dhisay oo ay tahay dhammaanteen in aynaan ku xad-gudbin, murana ka keenin doorashooyinka kadib, innagoo u aaneyna guuldarro.

Haddaba, arrinta la-yaabka lihi waxay tahay,   in xisbiga WADDANI   uu hore u aqbalay  natiijadii doorashada, haddana  mar kale madmadow geliyey  in laga guulaystay, balse  haddana  uu yidhaahdo   “Madaxweyne” markaa goormay  sax yihiin? Sidayse dunidu inoo arkaysaa marka aynu iska indho tirno ku dhaqanka shuruucda aynu wada dhiganay, iyadoo aynu nahay dal weli dunida ka doonaya ictiraaf?

Wakhtigii doorashada madaxtooyada waxaynu oggolaanay in goobjoogeyaal caalami ahi ka soo qaybgalaan doorashadaas, si ay markhaati uga noqdaan  sidii ay u dhacday , waxase ayaan darro ah in  Dr. Micheal Walls oo ka mid ahaa lixdankii goobjooge ee ka kala socday 27ka waddan, in markii uu dalka dib ugu soo laabtay dabayaaqadii bishii hore ee July loogu hanjabay in haddii uu dalka dib  ugu soo laabto  uu wixii gaadha isagu masuul ka noqon doono, taasina waa ayaan darro kale oo dibindaabyo iyo dabinba ku ah danaha  dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka.

Waxaan u sheegaynaa cid kasta  in  dalka JSL uu yahay dal nabdoon oo aan cidna waxba lagu  yeeli karin, looguna hanjabi karin, Dr. Micheal Walls iyo cid kasta oo dalka  dano u leh  way iman karaan,  kuna  soo laaban karaan xilliga ay doonaan, iyadoo xukuumadda Somaliland horeba u damaanad qaaday ammaanka muwaadiniinta iyo dadka ajaanibka ah ee martida u ah, waxaanan kula talinaynaa dadka  sawirka taban ka bixinaya dawladnimada iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland inay dhawraan sharafta iyo karaamada dadka iyo dalkaba.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews