Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Xaaladda Jigjiga , Wacad-na Ku Martey Inay Ciidamada Milatarigu talaabo Ciidan Qaadid Doonaan
August 5, 2018 - Written by Berbera Today
Itoobiya(Berberatoday.com)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamada militarigu ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso nabadgelyada gobolka Soomaalida ee kuyaal Bariga dalkaas. Kadib markii iskudhacyo qawmiyadeed ay galaafteen nolosha ugu yaraan 10 qof.

Qawmiyadda Soomaalida ayaa weerartay dadka ka yimid qaybaha kale ee dalka waxayna bililiqaysteen dukaamo kadib markii ciidamada xukuumadda militariga dalkaas lasoo dhoobay magaalada Jigjiga.