berberatoday.com
Dalka Thialand”Caruus Ka Baxsaday Haweynaydii Uu Guursaday, Xilli Ay Socotay Xafladii Arooskoodu !
August 5, 2018 - Written by Berbera Today

Bankok(Berberatoday.com)-Dalka Thialand ayaa waxa ka dhacday arrin aad u layaab badan oo ku habsatay haweenay aroosad aheyd, isla markaana xidhatay Taashkii aroosadaha.

Sida lagu baahiyay Wargeyska Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay aroosadan ayaa waxay si toos xaflada arooskeeda ugu baahisay Facebook si ay asxaabteedu ula waddaagaan, balse nasiib darro waxay ku war heshay Arooskii oo soo gali waayey goobtii ay xafladu ka dhacaysay isla markaasina baxsaday.

Aroosadan oo magaceeda la yidhaahdo Manu Nimnual da’deeduna tahay 24 jir ayaa waxay samaysay calool adeyg ka yaabiyay dadkii ka soo qayb galay xafladaasi, Manu ayaa qabsatay Makarafoonkii waxaanay dadkii la soo qayb galay xaflada arooskeeda u sheegtay inuu Caruuskii baxsaday.

Ninkani ka baxsaday xafladii arooskiisa ayaan ilaa iyo haatan la garanaynin sababta ku kaliftay, waxaana magaciisa la yidhaahdaa Fukin Jungrim, sidoo kale qoyskiisa ayaanu la socodsiin inuu ka baxsan doono xafladaasi.

Dhinaca kale carruusada Manu ayaa u mahad celisay dhammaan dadkii ka soo qayb galay xafladaasi, waxaanay farriimo dhiirigelin ah usoo dirtay asxaabteeda Facebook oo guud ahaan Caalamka ku kala nool, muuqaalka Xafladaasi ayaa waxa hal mar daawaday 5 Milyan oo qof.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews