Maxaa Imaatinka Axmed Siilaanyo Ku Soo Beegay Eedaymihii Musuq Maasuq Ee Tunka Loo Saaray Wasiiradiisii Awooda Badnaa?
August 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada somaliland ayaa dhawaan soo bandhigay musuq maasuq baahsan oo xukuumadii madaxweyne Siilaanyo u gaysatay hantidii umada ee ay masuulka ka ahayd.

Warbixinta guddida oo uu akhriyey Xildhibaan NaasirCali Shire oo gudoomiye u ah ayaa magacaabay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka tirsanaa xukuumadii Siilaanyo ee musuq maasuqa kula kacay hantidii ay umada uga masuulka ahaayeen, kaas oo xukuumada ka dalbaday in talaabo laga qaado.