Budhcad Badeeda Ku Xidhan Jeelasha Puntland Oo La Sii Deynaayo Iyo Cida Sii Deynaysa Oo La Ogaaday
August 3, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com0-Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qodobadii leysku afgartay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah ku xidh xidhan deegaannada Puntland, kuwaa oo loo heysto arrimo budhcad badeednimo ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland isku afgarteen sii deynta maxaabiista ku jirta xabsiyada Puntland ee loo heysto arrimaha burcad badeednimada.