berberatoday.com
Wali Waxa La Raadinayaa Raqda Iyo Ruuxda Khaalid Cabdixakiim Ibraahim Oo Kamid Ahaa Kaluumaysatada Berbera Oo Mudo 9 Maalmooda Kahor Dooni Kaluumaysi Bada Kula Xumaatay
July 30, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Iyada oo habeen hore uun xeebta bariga Berbera ee Ceeldaraad uu ka soo Caaryay Yuusuf Cabdi Cige oo loo yaqaano Ina Tuke oo kamid ahaa labadii dhalinyarada kaluumaysatada Berbera ee mudada 7 todobada maalmood ka hora bada ku qarqoomay ee Laashkii ay ku kaluumaysanayeen uu la xumaaday ayaa Waxa wali baadi goobkii raq iyo ruux lagu jiraa Khaalid Cabdixakiin Ibraahim(Ina Cabdixakiin Xaali)oo ahaa wiilkii labaad ee shilkaas ku wehehlinayay Yuusuf Cabdi Cige doonta laashka kaluumaysina ay wada wateen.

Ciidamada ilaalada Xeebaha oo wata Gaadiidka bada ee bada lagu ilaaliyo iyo rag kaloo wata gaadiidka dhulka oo bada xeeliga badhaya ayaa maalmihii udanbeeyay baadi goobka wiilkaas oo aad uda,yar ku jira ilaa hadana lama hayo raq iyo Ruux meel uu maray Khaalid Cabdixakiin Ibraahim oo uu sheegay wiilka alle bada ka soo badbaadiyay inay ugu danbaysay isaga oo saaran loox iyo caagado laysku xidh xidhay islamrkaan awoodiisa taramareed ay aad uliidatay oo uu tamarin waayay  inuu dabaasho maalintii afraad ee ay bada ku jireen iyaga oo ka dagay Laashkii ama doontii ay wateen ee la sabaynaysay mudada sadexda maalmooda kadib sida uu Yuusuf sheegay markii ay u adkaysan waayeen cadceeda kulaykeeda, haraad iyo gaajo ba,an oo haleeshay iyaga oo doorbiday inay bada isku qaboojiyaan maadama oo buuraha beriga kuyaalaana ay sife hira ugu soo muuqdeen halkaasna ay yididiilo dhuleeda umuuqatay ay isku qanciyeen inay xaga beriga udabaashaan iyaga oo adeegsanaya caagado iyo loox laysku xidhay maadama oo laashka weyn ee ay saarnaayeen uu xaga badweynta uuu usii socday oo dabayshu waday.

Ilaa Hada Lama hayo wax sheega raqda iyo ruuxda Khaalid Cabdixakiin Ibraahim waxaana lagu jiraa baadi goob bad iyo beriba ah wararkii ugu danbeeyayna waxay sheegayaan in xeebta karin ee Bariga Berbera laga helay caagadihii iyo Looxii uu saaraan Khaalid oo bada xeeligeeda kusoo caaryay lamana garanayo inuu bada ku dhacay oo uu geeriyooday iyo in gaadiidka bada marayaan qaadeen oo heleen inakastoo uu Yuusuf Cabdi Cige sheegay in mudadii ay bada ku jireen aanay arag wax gaadiid badeeda marka laga reebo Markab nooca dagaalka ah oo kusoo dhawaaday halkay joogeen oo laydhadh waaweyn ku shiday markuu arakayna iskaga tagay oo aan wax gargaara ufidinin markabkaas uu sheegay inaanu qeylo iyo gacan haadis ay utaageen aanu dheg ujalaqsiinin sidiina kaga tagay markay bada ku jireen laba habeen iyo laba maalm ood.

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews