berberatoday.com
Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Qiray Xuquuqda Somaliland, Gefkii Laga Galay Iyo In Aanay Soomaaliya Rejo Lahayn Intay Ka Maqan Tahay
July 27, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Sanatar Axmed Xaashi Maxamuud oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in aanay Soomaaliya rejo lahayn inta ay Somaliland ka maqan tahay, sidaasi awgeedna wax kasta oo ay Soomaaliya sameysana uu yahay ku meel gaadh.

XamarSanatar Axmed Xaashi Maxamuud oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in aanay Soomaaliya ku meel gaadhka ka bixi Karin oo aanay Dastuur yeelan karin, ilaa inta aan xal laga gaadhin arrinta Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland, inta la leeyahay way maqantahay dastuur rasmi ah Soomaaliya ma yeelan karto, waayo xudduudeenu waa tii lixdankii oo ayna maanta (Dawladda Soomaaliya) gacanta kuma hayso, wada hadalo (Somaliland iyo Soomaaliya) way socdaan, markaa haddii dastuur la sameeyo waa Soomaaliya ayaa sii goosatay, sidaasi awgeedna wax kasta oo aynu sameynaa waxa uu noqonayaa ku meel gaadh, waayo Somaliland hadda ka mid ma aha dawladda Federaalka Soomaaliya, sidaasi darteedna federaalku waa ku meel gaadh”. Waxaanu intaasi uu ku daray, “Somalialnd ilaa midowgii ay la yeelatay Soomaaliya way jirtay tabashadoodu oo qalad ayaa laga galay, markaa Somaliland iyaga dadka Soomaalida ah ugu soomaalisan ilaa ay yimaadaan mooyee Soomaaliya rejo ma laha”.

Sanatar Axmed waxa kale oo uu ka hadlay sida uu ku iman karo midow danbe oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, “Somaliland, khalad baa laga galay oo koonfuri waxay ku nooshahay khiyaamo yar oo daciif ah oo aan waxba u tarayn, haddii aynu doonayno inaynu Soomaaliya badbaadino, dantu waxay ku jirtaa Soomaali dhexdeeda ee ajanabi iyo gaalo midna kuma jirta, markaa waa in aynu yeelnaa sidii ay Somaliland hore u yeeshay xilligii midowgii ee ay keeneen midnimadii, waana in annaga oo isku duuban (Soomaaliya) oo odeyganaga iyo dawladda wadata waa in aanu Hargeysa ka degno, markaa Madaxweyne iyo Raysal wasaaraha qaataan oo wixii kale ee ay wax inaga siinayaan dawladda mooyee, kadibna aynu yeelno sidii ay shalay (Midowgii) ay yeeleen Somaliland, wixii taasi ka baxsanina waa uma jeedno inaynu wax saxno”.

Ugu dambayntiina, Sanator Axmed Xaashi Maxamuud waxa uu ku dhawaaqay in sidaasi la yeelo mooyee aan lagu helayn midnimo Soomaaliyeed.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews