Germany: Aabo Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Dalka Masar Oo Qudha Ka Jaray Gabadh Uu Dhalay, Kadib Markii Ay Is Khilaafeen Xaaskiisa !
July 24, 2018 - Written by Berbera Today
Dolsdorf(Berberatoday.com)-Khilaafka soo kala dhex galay lammaanaha nolosha waddaaga ayaa mararka qaarkood waxa uu sababaa dhacdooyin naxdin badan oo lama filaan ah, sidaasi awgeed ayaa Aabo u dhashay dalka Masar oo ku nool Dalka Germany gaar ahaan magaalada Dolsdorf ayaa waxa uu qudha ka jaray gabadh yar oo uu dhalay oo ay da’deedu aheyd 7jir.
Sababta Aabahan ku kaliftay inuu dilkaasi ku kaco ayaa waxay tahay inay xaaskiisa isku khilaafeen teleefanka, intaasi kadibna waxa uu cadhadii kula kacay gabadhaasi yar ee dhaylay oo uu si aad u fool xun uu u jidh dilay, dabadeedna u geeriyootay dhaawacyadii uu gaadhsiiyey.