berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya
July 23, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah kula qaatay Madaxtooyada Somaliland Safiirka dalka UK u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador David Concar oo booqasho ku jooga dalka.

Af-hayeenka Madaxweynaha Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa kulankan ka war-bixiyey waxaanu yidhi, “Kulankan waxay Madaxweynaha iyo safiirku kaga wada-hadleen arrimo badan oo  khuseeya mandaqadda geeska Afrika iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday oo muddo hakad ku jirey iyo sidii dib loogu billaabi lahaa, islamarkaana hannaankii wada-hadalladaas looga gaadhi lahaa xaqiiqo taabata dareenka labada waddan.”

Af-hayeenku isaga oo hadalkiisa sii watta, waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo ay safiirka iyo madaxweynuhu ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qoondaysan inay ka qabsoomaan sanadka soo socda, iyadoo uu madaxweynuhuna safiirka u caddeeyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay doorashooyinkaasi xilligoodii ku qabsoomaan, qaadhaankii kaga aaddanaa xukuumaddana ay hore u shubeen, waxaana uu u bandhigay dalka Ingiriiska iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay doorashooyinka Somaliland oo Ingiriisku ka mid yahayna ay u furan tahay inay ka qayb-qaataan,” ayuu yidhi

Afhayeenku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Sidoo kale waxay madaxweynaha iyo safiirku ka wada hadleen waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor oo ay dalka Ingiriisku dannaynayaan inay ka qayb qaataan hirgelinta dhismaha waddadaas iyo degenaanshaha mandaqadda geeska Afrika iyo saamaynta ay yeelan karto isbeddellada ka socdaa.”

Ugu dambayntii, waxa uu af-hayeenku sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safiirka uga mahadceliyey doorka uu waddanka UK kaga jiro horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo safiirkuna dhinaciisa madaxweynaha ku bogaadiyey horumarka uu qarankiisa ku horseedka uga yahay.

 

 

 

berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews