berberatoday.com
Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Kim Iyo Trump ? + DAAWO SAWIRRO
June 13, 2018 - Written by Berbera Today

Singapore(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu ahaa mid wax ku ool ah oo kalsooni geliyay.

Trump iyo Kim 1

Trump wuxuu sheegay inuu joojinayo dhoolatuska Milletari halka Kim uu ballan qaaday inuu burburin doono goobaha lagu tijaabiyo Nukliyeerka.

Sida ku cad heshiiska ay labada hoggaamiye saxeexeen, waxaa ka go’an sidii Nukliyeerka looga cidhibtiri lahaa gacanka Kuuriya iyo ka shaqaynta nabadda gobolka.

Mareykanka ayaa ka codsaday Kuuriyada Waqooyi in si dhamaystiran ay u xaqiijiso burburinta Nukliyeerka.

Madaxweyne Trump wuxuu yidhi “Waxaan filayaa in labada dhinac ay ku farxi doonaan natiijada kulanka..”

Kulanka kaddib hoggaamiyeyaasha waxay kala saxeexdeen Dhukumanti ku baaqayay in labada dal ay bilaabaan xidhiidh cusub.

Kulanka Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday kii ugu horreeyay ay abid qaataan Madaxweyne Mareykan ah iyo hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.

Waxay isku salaameen hoteel loo dalxiis taga oo ku yaalla Jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore ka hor inta ay u billaabanin wadahadalladu.

Trump iyo Kim 2

Trump oo saaxibtinimo dhaw u muujinaya hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu sheegay inuu Aqalka Cad ku marti qaadi doono Kim Jong-un.

Hoggaaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu dhankiisa sheegay inay go’ansadeen in la iska illoobo wixii hore u dhacay, “heshiiskooduna uu Adduunka u horseedi doono isbadello waaweyn.”

Dadka falaanqeeya siyaasadda gobolka ayaa ku kala aragti duwan qodobbada ugu dambayn ka soo baxay kulanka, qaarkood waxay u arkaan kulan aan wax wayn soo kordhinayn, halka qaar kalena ay rumaysan yihiin in kulanka uu noqon karo dhabbihii nabadda loo qaadi lahaa.

Heshiiska labada dhinac ay kala saxeexdeen maaaha mid faahfaahin ka bixiyay sida gacanka Kuuriya looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu dammaanad qaadi doono ammaanka Kuuriyada Waqooyi inkastoo aanan la sheegin waxaa ay ka dhigan tahay arrintaasi.

Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan wadahadallo kale oo lagaga hadlayo amniga gobolka.

Sawirka lasoo qaaday ayaa muujinaya labada hoggaamiye oo isa salaamaya, waxay astaan u noqonaysaa in labada dal ay xidhiidh wanaagsan yeeshaan kuwaas oo muddo 20 sanno ah ay cadowtinnimo ka dhexeysay.

Trump iyo Kim 3

Kulankii taariikhda galay

Trump iyo Kim Jung-un waxaa la socday oo kaliya ah markii ay kulmayeen labo qof oo u kala turjuma, waxayna hadleen in ka yar 40 daqiiqo, kaddibna waxaa ku soo biiray wufuud la taliyeyaal ah oo kulankooda qadada qeyb ka ahaa.

Waxaana ka mid ahaa mas’uliyiinta joogay kulanka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha ammaanka John Bolton, dhanka Kuuriyada Waqooyi waxaa joogay madaxii hore ee sirddoonka Kim Yong-chol iyo wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho.

Kim iyo Trump ayaa ku qadeeyay cunnooyin isku dhaf ah oo laga keenay dalalka reer galbeedka iyo Kuuriya.

Trump iyo Kim 4

Muxuu uga dhigan yahay kulanka labada dal?

Kulanka taariikhiga ah waxaa lagu tilmaamay mid dan ugu jira labada dal inkastoo dhowr jeer oo hore uu qarka u saarnaa inuu baaqdo.

Dad badan ayaa rumaysan in natiijada kasoo baxday kulanka ayna waxtar noqon doonin.

Inuu la kulmo Kim, Madaxweyne Mareykan waxay u tahay guul maaddaama aabihii iyo awoowgii ayna samaynin arrintaasi.

Mareykanka ayaa cadaadis ku hayay Kuuriyada Waqooyi oo ay kamid ahayd cunaqabataynta dhaqaale uu dalkaasi ku soo rogay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews