berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wasiir Ku-xigeenka Jamhuuriyadda JEEG Iyo Wefti La Socda
May 18, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Jamhuuriyadda Czech (Jeeg), kaasi oo uu hoggaaminayey Wasiir ku-xigeenka Dalkaasi u qaabilsan wershadaha iyo ganacsiga Mr. Vladimir Bartl.

a

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay, kaasi oo lagu faahfaahiyey kulanka dhex maray Madaxweynaha iyo Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Jeegga.

Madaxweynaha JSL iyo Weftiga Jeeg ka socda

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “ Madaxwnaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Czech republic oo uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka waddankaas u qaabilsan wershadaha iyo ganacsiga Mr. Vladimir Bartl.

Kulanka madaxweynuhu la qaatay weftiga ballaadhan ee ka socda waddanka Czech republic, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, safiirka Somaliland u qaabilsan ururka midowga Afrika, Ambasador Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale.

 Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay Somaliland mar walba diyaar ugu tahay inay dalalka caalamka xidhiidh la yeeshaan.

x

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga warbixin ka siiyey heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, guulaha ay ku tallaabsatay iyo heerka ay ka gaadhay Dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka, isaga oo uga mahadceliyey booqashadooda ay ku yimaaddeen Somaliland.

ccc

Sidoo kale madaxweyne Muuse, waxa uu xubnaha weftiga u caddeeyey inay dal ahaan soo dhaweynayaan cidkasta oo ay u arkaan inay iska kaashan karaan dhinacyada horumarka, siyaasadda iyo saaxiibtinimadaba.

aaq

Weftiga ka socda dalka Czech, ayaa dhinacooda madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweyntiisa, islamarkaana ay dal ahaan diyaar u yihiin sidii ay Somaliland uga hirgelin lahaayeen mashaariic la xidhiidha dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada, ganacsatada dalkooduna xidhiidh toolmoon la yeeshaan dhiggooda reer Somaliland.”

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews