berberatoday.com
Itoobiya: Dareen Ka Dhashay Gabadh Meydkeeda Laga Helay Qabri-dahare
May 16, 2018 - Written by Berbera Today

Itoobiyaa(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya magaalada Qabri-dahare ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in haweenay dhallinyaro ah meykeeda laga heley meel saldhig ciidan ah oo sida la sheegay lagu xidhay mar sii horeysay.

Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah, kuna sugan magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen ciidanka maamulka, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay.

Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in Xalay gabadha meydkeeda la geeyay cisbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay.

Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Selel, waxa ay jirtay 20 sano, wali ma ay guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad.

Lama oga sababta loo xidhay markii hor, iyo waxa sababay dhimashadeeda. Waxaase la sheegay in arrintan ay ka dhacday xero ay ciidamada ku leeyihiin magaalada.

“Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya maaha, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay maaha, tii ugu dambeysayna maaha, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korodhay Soomaalida” ayuu yidhi Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday.

Gabadha la dilay

Maamulka dowlad deegaanka ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdada Taysiir.

Baraha bulshada ayaa aad loogu faafinayaa qoraalo iyo hadallo lagaga soo horjeeda falka dhacay, waxaana arrintan ka dhashay dareen cadho leh.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews