berberatoday.com
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sida Loo Maamuli Doono Ceel Lagu Tuhmayo Shidaal Oo Qodistiisa Laga Bilaabayo Gobolka Saaxil
May 8, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in Sannadka dambe ee 2019-ka gudihiisa Gobolka Saaxil laga bilaabayo Qodista Ceel Shidaal.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay in Shirkadda Genel Energy oo baadhitaan shidaal ka samaysay 3500KM oo dhulka Somaliland ka mid ah ay sannadka dambe gudihiisa Gobolka Saaxil ka bilaabayso qodista Ceel Shidaal, isagoo Ceelkaas oo lagu tuhmayo inuu Bartool ku jiro rejo wanaagsan ka muujiyey.

Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal oo Shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa isagoo faahfaahin ka bixinaya baadhista Shidaal ee Shirkaduhu ka wadeen Somaliland, deegaannada la soo gabogabeeyay iyo meelaha ay weli baadhistu ka socoto, ayaa yidhi “Waxa ka socday Mashaariic deegaano badan oo Dalka ah lagaga baadhayo Shidaal, Marxaladihii baadhitaanka ayaa qaar soo gebogaboobay. Shirkadda Genel Energy oo baadhitaankaa wadday waxay soo gebogabaysay Gobollada Saraar, Togdheer, Balligubadle, Daad-madheedh oo ay ka wadday Baadhitaanka Dhulka lagaga gariiriyo, imikana waxay ku maqan yihiin Tarjumaadda Xogta (Xogtii laga helay), waxayse sheegeen inay aad iyo aad rejo wanaagsan u leedahay, Rejadaasi waa Batrool iyo Naafto.”

Wasiirka Tamartu wuxuu sheegay oo kale “Shirkadda Genel waxay samaysay baadhitaakii ugu weynaa Afrika, 3500KM ayay baadhay, dabadeedna marxaladdaa baadhista waa laga soo gudbay, Marxaladda ku xigtaa waa in Ceelal la qodo (Ceelal Shidaal laga baadhayo), markaa Sannadka dambe ee 2019-ka ayay ka taagayaan Ceelka ugu horreeya meelihii ay Shidaalka ka baadheen, sida ay sheegeen Saraakiisha sar-sare ee Shirkadda Genel oo Hargeysa noogu yimid. Madaxda Shirkadda waanu is-aragnay, Madaxweynahana way arkeen, markaa waxay noogu Bushaareeyeen in Sannadka 2019-ka gudihiisa ay Ceelkii ugu horreeyay ay ka taagayaan Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aanay filayn in wax Carqalad ahi ka timaaddo Shidaalka haddii lagu guuleysto oo la soo saaro “Fili-maayo inay Carqaladi ku imanayso, hadday ku timaaddana Cidda ku keentaa iyadaa ku jabaysa, waayo? waxani waa horumar, waa Ummad dhaqaale loo raadinayo, Ceelka Shidaalka ah ee Berbera ka soo baxa waxa ka faa’idaysanaya oo ku noolaanaya wax alaale iyo waxa Soomaali Afkeeda ku hadla..”

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo la waydiiyey inay suurto-gal tahay in dhibaatadii Dalalka Afrika qaarkood ka dhaxleen Shidaal soo saariddu ka dhalato haddii Somaliland laga helo Shidaal, ayaa ku jawaabay “Annagu waxaanu ku shaqaynaynaa oo siyaasadda Dawladdu ku dhisan tahay in nidaamka soo-saaridda Shidaalka uu noqdo Maamul daah-furan, Maamul looga faa’idaynayo deegaanka laga soo-saaro iyo Gobollada dalka in khayraadkaa sida loo wadaagayaa ay daah-furnaato, loona kala badsado sida xaqa loogu kala leeyahay, markaa Maamulkaa ayay wax walba ku xidhan yihiin, ILLAAHAYNA waxaanu ka baryeynaa inuu Nimco noo noqdo ee aanu niqmo noqonin..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Shirkad Shiinaha laga leeyahay ay Shidaal baadhis ka waddo Bariga Gobolka Saaxil, taasi oo Koontaraag ka sii qaadatay Shirkad Imaaraadka laga leeyahay oo Somaliland kula jirta heshiis Shidaal baadhiseed “Shirkadda Shiinaha ah ee baadhista ka wadda Gobolka Saaxil waxay u shaqaynaysaa Shirkad la yidhaahdo RAK GAS oo Imaaraati ah, markaa Shidaal ayay ka baadhaysaa Bariga Gobolka Saaxil.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews