berberatoday.com
Itoobiya Iyo Sudaan Oo Gaadhay Heshiis Dhinaca Dekeda Ah
May 4, 2018 - Written by Berbera Today

Khartuum(Berberatoday.com)-Dawladaha Dalalka Suudaan iyo Itoobiya ayaa maanta wada Saxeexay heshiis Dawlada Itoobiya u ogolaanaya inay qayb ka noqoto maamulka iyo horu marinta dekeda dalka Suudaan ee ku taala ee Port Sudan

Sida ay baahisay Wakaalada Wararka dalka Itoobiya ee Fana, heshiiska labada dal ayaa dhacay labadii cisho ee uu raysal wasaaraha itoobiya Dr Abiy Ahmed ku tagay wadanka Suudaan.
Raysal Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed Iyo Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir
Wakalada Wararka dalka Itoobiya ee fana ayaa sheegtay in wasiirka arimaha dibada itoobiya Workineh Gebeyehu uu cadeeyey in raysal wasaaraha Itoobiya uu heshiiskan la gaadhay madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al bashiir
oo uu ka dalbaday in la dedejiyo fulinta heshiiskan oo hore u jiray, si ay Itoobiya qayb uga noqoto maamulka iyo horu marinta dekeda dalka Suudaan.
 
Labada dawladood ayaan ilaa hada cadayn saamiga Itoobiya laga siiyey horu marinta iyo maamulka dekeda dalka Suudaan.
Dawlada Itoobiya Ayaa Todobadkan Waxay heshiis dhinaca Dekeda la gashay Dalka Djabouti oo ay maalgashanyso Dekeda Doraleh.
Dawlada Djabouti waxay hore Saami maalgashi laga Siiyaay Dekeda Magalda Berbera , waxana u muuqda heshiskan ay Dalka Itoobiya la galay Dalka Sudaan mid ay Itoobiya ku doonayso inay Hesho Dekedo badan madama oo aanu dalkeedu lahayn Deked .
Berbveratoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews